Home Wararka Caalamka Madaxweyneyaal iyo Raysal Wasaareyaal gaaray dalka Rusuhka (SAWIRRO)

Madaxweyneyaal iyo Raysal Wasaareyaal gaaray dalka Rusuhka (SAWIRRO)

by Laacib

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degay Magaalada Kazan, halkaas oo lagu qabanayo Shir Madaxeedka BRICS.

Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa, Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, Raysal Wasaaraha India, Narendara Modi iyo madax kale ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay magaaladaasi.

Illaa 22 madax oo ka kala socda wadamada caalamka iyo 6 madax oo ka socda hay’ado caalami ah ayaa lagu wadaa inay ka qaybgalaan shirkaasi.

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa la qorsheeyay inuu qabto shan kulan oo laba geesood ah, ka hor inta aanu si rasmi ah u furmin Shir Madaxeedka BRICS.

Madaxweyne Putin ayaa kulamadaasi la qaadan doona Madaxweyneyaasha Shiinaha, Koonfur Afrika, Raysal Wasaaraha India iyo wakiilo ka kala socda dalalka aasaasay BRICS.

Brazil oo ka mid ah 4-ta dal ee aasaasay BRICS ayuu Madaxweynaheeda Lula da Silva u safri doonin Magaalada Kazan, sababo ku aaddan xaalado caafimaad, balse waxaa la sheegay in uu muuqaalka fogaan aragga kaga qaybgeli doono shirkaasi.

Madaxweyne Lula da Silva ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray madaxa, isagoo gurigiisa jooga, iyadoona ay dhakhaatiirta kula taliyeen inaanu geli karin safar saacado badan qaadanaya.

BRICS oo xubno ay ka yihiin qaar ka mid ah dalalka ugu suuqyada waaweyn caalamka, sida Shiinaha, Ruushka, India iyo Brazil ayaa waxaa sanadkan ka qaybgelaya dhowr dal oo dib kaga soo biiray, sida Iran, Emirate-ka Carabta, Masar iyo Itoobiya.

Ururkan oo sanadkii 2009 ay aasaaseen Ruushka, Shiinaha, Brazil iyo India ayaa sanado ka dib lagu soo daray Koonfur Afrika.

Isbahaysiga oo la ballaariyay sanadkii hore ayaa lagu soo daray Masar, Itoobiya, Emirate-ka Carabta iyo Iran, iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay xubno joogto ah ka noqon doonaan isbahaysiga caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc