Home Wararka Maanta Madaxweyneyaasha Somaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay iskaashiga ay ka leeyihiin ammaanka

Madaxweyneyaasha Somaliya & Jabuuti oo ka wada hadlay iskaashiga ay ka leeyihiin ammaanka

by Laacib

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa gelinkii dambe la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay dhiggiisa Somaliya, waxayna ka wada hadleen arrimo dhowr ah.

“Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay, sidii loo sii ambaqaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga labada dal, kaas oo ku saleysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa reer Jabuuti.” Ayaa lagu yiri war caawa ka soo baxay Villa Somalia.

Warka ayaa lagu sheegay “Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Somaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyay doorkooda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay mar walba garab taagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla-markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Somaliya, gaar ahaan dhanka la dagaalanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayaynta hay’adaha ammaanka.”

Safarka Madaxweye Xasan Sheekh ee Jabuuti ayaa imanaya, iyadoo Madaxweynuhu uu taageero u raadinayo dagaalka ay dowladdiisu kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.

Jabuuti waxay goor sii horreysay ay ciidamo ku yaboohday Hawlgalka cusub Midowga Afrika ee dalka, kaasoo Dowladda Soomaaliyeed lagaga taageerayo howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab.

Hawlgalka AUSSOM ayuu waqtigiisu bilaaban doonnaa bisha June ee bartamaha sanadkan, iyadoo dalalka xubnaha ka ah ay muddada ka harsan ku soo dhameystiri doonaan ciidamadooda ka hawlgalaya dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc