Home Wararka Caalamka Madaxweynihii la afgembiyay ee Suuriya oo magangelyo ka helay Ruushka

Madaxweynihii la afgembiyay ee Suuriya oo magangelyo ka helay Ruushka

by Laacib

Ka dib saacado badan oo dadku ay ku jahwareersanaayeen halka uu ninkaasi ku sugan yahay ayaa waxaa xalay soo baxay warar sheegaya in uu ku sugan yahay Magaalada Moscow.

Madaxweyne Bashar Al Assad ayay dadku ugu war dambeysay, isagoo Axaddii diyaarad ka raacay Magaalada Dimishiq, ka dibna la waayay halka uu jaan iyo ciriba dhigay. Saacado ka dib markii uu ka ambabaxay Dimishiq ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in diyaaraddii uu la socday ay lumisay xiriirka, markii ay mareysay Magaalada Homs, taasoo keentay in dadka qaarkii ay shaki geliyaan inuu nool yahay.

Warbaahinta Ruushka ayaa xalay caweyskii shaacisay in Madaxweynihii la afgembiyay ee Suuriya uu nool yahay, isla-markaana uu ku sugan yahay Moscow.

Aqalka Kremlin-ka ee Rusuhka ayaa laga soo xigtay in Madaxweyne Assad iyo qoyskiisuba ay heleen magangelyo siyaasadeed.

Assad ayaa ka cararay dalkii uu 24-ka sano xukumayay, ka dib kacdoon aan horey noociisa loo arag oo uu kala kulmay kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladdiisa.

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa so dhaweeyay dhicitaanka nidaamka Assad, wuxuuna ku tilmaamay fursad taariikhi ah oo dadka Suuriya ay ku dhisan karaan mustaqbal wanaagsan.

Madaxweyne Biden ayaa Suuriyaanka uga digay inay lumiyaan fursaddan dahabiga ah, isla-markaana aanay dalkooda u horseedin, waxa uu ku tilmaamay xaalad khatar ah.

Qabsashada mucaaradka ee Suuriya ayaa dalka u jiheynaysa jid cusub, ka dib dhowr iyo konton sano oo Dowladda Shiicada ay ka arrimineysay dalkaasi.

Is bedelkan ayaa talada dalka dib ugu soo celinaya Sunniyiinta u badan dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc