Home Wararka Maanta Mareykanka oo duqayn ku ekeeyay Daacishta Somaliya

Mareykanka oo duqayn ku ekeeyay Daacishta Somaliya

by Laacib

Wararka laga helayo Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay mar kale duqayn culus la beegsadeen maleeshiyada Al Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay shalay galab weerar xagga cirka ah ku qaadeen maleeshiyada ku uruursan deegaanka Miiraale ee jiidda galbeed ee Calmiskaad.

Raadiyaha Puntland ayaa soo xigtay in si weyn daryanka sawanka ee jugta duqaynta looga maqlay deegaanada ku dhow Togga Miiraale.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa war uu soo saaray ku sheegay in duqaynta ay gaysteen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyadoo looga caawinayay hawlgalka ciribtirka Daacish.

“Duqaynta waxaa lala beegtay xubno ka tirsan firxadka argagixisada Daacish oo is uruursanayay.” Ayuu talisku ku sheegay warka uu soo saaray.

Duqayntan ayaa noqoneyso tii labaad ee Mareykanka uu ka gaysto Buuraleyda Calmiskaad, sideed cisho gudahood.

Mareykanka ayaa 1-dii bishii February bilaabay in xagga hawada uu ka duqeeyo maleeshiyada Daacish, markaas oo Madaxweyne Donald Trump uu bixiyay amar keenay in si ba’an loo garaaco saldhigyadii maleeshiyada ee Calmiskaad.

Duqayntii Talaadadii ayaa imaneyso, xilli Ciidanka Puntlad ay labadii toddobaad ee u dambeysay ay culeys ku hayeen Daacishta Somaliya ee ku sugan aagga Miiraale.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Miiraale ay ka mid tahay goobaha fara ku tiriska ah ee haatan ku haray gacanta Daacish.

Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa horey ugu hanjabay inaysan dagaalka ka joojin doonin Daacish, illaa ninka ugu dambeeya laga dilo amaba uu iska soo dhiibo.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc