Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa mar labaad xagga cirka ka garaacay maleeshiyada Daacish ee ku sugan dhulka buuraha badan ee Gobolka Bari, wax ka yar muddo 20 cisho ah.
Wararka ayaa sheegaya in duqaynta ay gelinkii dambe ee Axaddii ka dhacday Boholaha Xankookib ee u dhow deegaanka Dhasaan ee Buuraleyda Calmiskaad, iyadoona lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsanaa maleeshiyada Daacish.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in ay duqaynta la beegsadeen xubno ka tirsanaa kooxaha argagixisada.
AFRICOM ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qiimeynta horudhaca ah ay muujineyso in duqaynta ay ku dhinteen laba ka mid ah dagaal-yahanada Daacish.
AFRICOM ma sheegin wax rayid ah oo ku dhintay duqayntan ay sheegeen inay la beegsadeen Daacishta Somaliya.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay soo saari doonaan warbixin ay ku faah faahinayaan qiimeynta natiijada weerarkan.
Afhayeenka Ciidanka Puntland, General Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo) ayaa sheegay in saaxiibada caalamiga ah ay ka caawinayaan hawlgalka hawada, oo qayb ka ah wejiga labaad ee hawlgalka lagu la dagaalamayo Daacishta Somaliya.
Duqayntan ayaa waxay noqoneysaa tii labaad ee Mareykanka uu ka fuliyo Gobolka Bari, tan iyo 1-dii bishan February.