Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Israel u sheegay inaysan danteeda ku jirin furin labaad oo dagaal

Mareykanka oo Israel u sheegay inaysan danteeda ku jirin furin labaad oo dagaal

by Laacib

La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan ayaa maanta Magaalada Washington kula kulmay Wasiirka Difaaca Israel, Yoav Gallant oo booqasho ku jooga dalkaasi, iyagoona ka wada hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta Bariga Dhexe.

Labada dhinac ayaa si dhow uga wada hadlay dagaalka Marinka Gaza iyo xiisadda Israel kala dhaxeysa Xisbullah ee ka jirta xadka Lubnaan iyo Israel.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Maamulka Madaxweyne Joe Biden uu masuuliyiinta Israel u muujiyay walaaca uu ka qabo colaadda gobolka iyo in goobo hor leh ay ku fiddo.

Afhayeenka Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Washington ay Tel Aviv u sheegtay inaysan Israel wax dan ah ugu jirin in furin cusub ay ka furto gobolka.

“Danta Israel kuma jirto furinta labaad ee dagaalka Bariga Dhexe.” Ayuu yiri John Kirby oo Israel ugu baaqaya inay hoos u dhigto xiisadda ka taagan xuduudda.

Mar la weydiiyay, haddii Madaxweyne Biden uu taageerayo duulaan ka dhan ah Xisbullah oo Israel ay ku qaaddo dalka Lubnaan ayuu sheegay in maamulku uu hubin doono, haddii Israel ay haysato waxa ay u baahan tahay, si ay isu difaacdo.

Waxaase uu sheegay in Mareykanku uu doonayo in xiisadda taagan lagu xaliyo dhanka diblomaasiyadda, si dagaal looga baaqsado.

“Waxaan rabnaa inaan aragno in aan la furin kale oo dagaal, waxaana doonaynaa inaan aragno, haddii aan xiisadda ku xalin karno habab diblomaasiyadeed.” Ayuu yiri Kirby.

Talaadadii, Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin oo qaabilay dhiggiisa Israel ayaa ku booriyay in xiisadda Israel kala dhaxeysa Xisbullah lagu wajaho xal diblomaasiyadeed, waxaana uu ka digay in gobolku uu isla qarxo.

Dunida ayaa ka walaacsan isku dhacyada hubeysan ee ka jira Bariga Dhexe, oo xudun u ah dagaalka haatan ka soconaya Marinka Gaza.

Joojinta dagaalka Gaza ayay khubaradu u aragtaa dhabaha qura ee lagaga baaqsan karo in dagaalku uu ku fido gobolka intiisa kale.

Duulaanka Israel ee Marinka Gaza ayaa xaalad amni ka abuuray Bariga Dhexe, waxaana soo xoogeysanaya digniinaha la xiriira cawaaqibka uu yeelan karo dagaal toos ah oo xilligan dhex mara Xisbullah iyo Israel.

Xisbullah ayaa ku hanjabtay inaysan joojin doonin gantaalaha ay ku garaaceyso deegaanada Israel ee ku yaala xuduudda, illaa iyo inta ay Tel Aviv ka soo afjareyso duulaankeeda Gaza.

Baaqyada caalamiga ah ee loo jeedinayo Xisbullah iyo Israel ayaa ah in laba jeer ay ka fekeraan, ka hor inta aanu dhex marin dagaal aan waxba la isku reeban.

Dagaalkan ayaa si weyn u saamayn kara Bariga Dhexe oo dhan, waxaana muuqata in dagaalku aanu ku koobnaan doonin labada dhinac oo keliya.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc