Home Wararka Caalamka Mareykanka oo ka hadlay sababta ay uga walaacsan yihiin booqashada Putin ee Pyongyang

Mareykanka oo ka hadlay sababta ay uga walaacsan yihiin booqashada Putin ee Pyongyang

by Laacib

Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka uu ka walaacsan yahay booqashada uu Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin uu ku tegay Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweye Putin ayaa dalkaasi ku tegay safarkiisii ugu horreyay ee muddo afar iyo labaatan sano ah. Ka hor safarkiisa oo uu hadlayna waxa uu sheegay in labada dowladood ay ka wada hortagi doonaan xanibaadaha halka dhinac ah, si loo horumariyo iskaashigooda ganacsiga iyo ammaanka. Labada dal ayaa la dhibaatoonaya cunaqabateynta dhaqaale ee ay ku hayaan Mareykanka iyo xulafadiisa.

John Kirby oo u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay ka walaacsan tahay xiriirka sii xoogeysanaya ee ay leeyihiin Moscow iyo Pyongyang.

“Kama walaacsani safarka Putin ee waxaan ka walaacsanahay waa xiriirka qotada dheer ee labada dal. Sababtu ma ahan oo keliya saamaynta ay arrintan ku yeelan doonto dadka Ukraine, maxaa yeelay waxaan ognahay in gantaalaha ballaastikada ah ee Kuuriyada Waqooyi horeyba loogu isticmaalay bartilmaameedyo ku yaala Ukraine.” Ayuu yiri John Kirby.

Kirby oo Wariyeyaasha la hadlayay ayaa sheegay in labada hoggaamiye ay is weydaarsan karaan waxyaabo saamayn ku yeelan kara amniga Gacanka Kuuriya.

“Waxaa jiri kara waxyaabo oo la is dhaafsan karo oo saamayn ku yeelan kara amniga Gacanka Kuuriya. Ma aynaan arkin xuduudaha wax ka jira iminka, laakiin dhab ahaantii aad iyo aad ayaa arrintani isha ugu haynaa.” Ayuu yiri Kirby.

Xiriirka labada dhinac ayaa aad u xoogeystay, wixii ka dambeeyay duulaankii Ciidamada Ruushka ay 24-kii bishii February ee sanadkii 2022 ku qaadeen dalkaasi Ukraine.

Labadan dal oo wajahaya cunaqabateyn dhaqaale oo xoog leh ayaa u muuqdo in ay iska kaashan karaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, waana laba dal oo quwad leh, kana soo horjeedsan kara danaha Mareykanka iyo xulafadiisa, taas oo walaac xoogan ku hayso.

Ruushka ayaa bishii March diidmada qaxayan ku hor istaagay sii socoshada cunaqabateynta Qaramada Midoobey ee ka dhanka ah Kuuriyada Waqooyi ee ku saabsan barnaamijka nuclear-ka.

Reer galbeedka ayaa tani ku macneeyay mid uu Ruushku kaga hortaggayo in baaritaan lagu sameeyo hubka wax gumaada ee Kuuriyada Waqooyi, maadaama ay hub ka soo iibsadaan Pyongyang.

Saraakiisha Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa laga soo xigtay in Washington iyo Seoul ay ka wada hadlayaan hab cusub, oo lagu la soconayo dhaqdhaqaaqyada militari ee Waqooyiga Kuuriya.

Si kastaba ha-ahaatee booqashada Putin ayaa noqoneyso tii ugu horreysay ee uu taggo dalkaasi, tan iyo sanadkii 2000.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc