Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar gantaalo loo adeegsaday oo lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baghdad ee xarunta dalkaasi Ciraaq.
Laba gantaal ayaa la xaqiijiyay inay gudaha ugu dhaceen garoonkaasi, inkastoo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay.
Afhayeenka Taliska Hawlgalada Wadajirka ah ee Ciraaq, General Tahseen Al Khafaji ayaa Arbacadan sheegay in mid ka mid ah gantaalaha uu ku dhacay agagaarka goob ay ku sugnaayeen la taliyeyaasha isbahaysiga caalamiga ah ee ka hawlgala dalkaasi.
Safaaradda Mareykanka ee Ciraaq ayaa sheegtay in jugta labaad ee laga maqlay garoonka uu ahaa qarax ka dhacay xarun diblomaasiyadeed oo Mareykanku ku leeyahay garoonkaasi.
“Qaraxa ayaa ka dhacay Xarunta Adeegga Diblomaasiyadeed ee Baghdad, oo ah xarun diblomaasiyadeed oo Mareykanka uu leeyahay.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Nasiib wanaag ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana baaraynaa waxa sababay qaraxa.”
Sarkaal sare oo ka tirsan isbahaysiga militariga ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AFP in weerarka loo adeegsaday laba gantaal oo nooca Katyusha ah.
“Mid ka mid ah ayaa ku dhacay gidaarka Xarunta Ciidamada La dagaalanka Argagixisada.” Ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa la qariyay.
Weerarka ayaa yimid saacado ka hor booqashada uu Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ku tegay dalkaasi, waana booqashadii ugu horreysay ee uu dibadda ugu ambabaxo, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 31-kii bishii July.
Kooxaha hubeysan ee Iran taageerto ee ka hawlgala dalka Ciraaq ayaa muddooyinkanba weeraro ku hayay Saldhigyada Ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalkaasi, taasoo jawaab u ah taageerada indha la’aanta Mareykanka ee Israel.
Weerarada aan kala sooca lahayn ee Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa Bariga Dhexe iyo caalamkaba ka abuuray carro xoog leh.
Mareykanka ayaa lagu dhaliilaa in uu indhaha ka qarsanayo dembiyada xargaha goostay ee ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza.
Mareykanka oo ah xulafada ugu muhiimsan ee Israel ayaan awoodiisa u adeegsan joojinta dhiigga ay Israel gacmaha kula jirto.