Mareykanka ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan dadaalada xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas.
La taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka, Jake Sullivan ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in dhinacyadu ay heshiiska gaaraan toddobaadkan.
Jake Sullivan oo maanta Warbaahinta ka soo muuqday ayaa sheegay in inkastoo lagu dhow yahay in heshiis la gaaro aan haddana la damaanad qaadi karin.
“Hadda waxaan joognaa meeshii ugu muhiimsaneyd ee wada-xaajoodka heshiiska lagu sii deynayo la haysteyaasha iyo xabad joojinta Gaza.” Ayuu yiri Jake Sullivan.
Waxa kaloo uu yiri “Madaxweynaha Joe Biden ayaa la hadlay Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu iyo Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Thani, waxaana uu kala hadlay dhameystirka heshiiska.”
Isaga oo sii hadlayay ayuu yiri “Madaxweyne Biden ayaa sidoo kale dhawaan la hadli doono Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El Sisi.”
Jake Sullivan ayaa intaasi ku daray “Waxaan ku dhownahay heshiis, waana la samayn karaa isbuucan. Ma samaynayo ballanqaad ama saadaal, laakiin waxay u taagan tahay qaadashada, waxaana awoodnaa inaan ka shaqayno, sidii ay u dhici lahayd.”
Israel iyo Xamaas ayaa lagu cadaadinaya inay gaaraan heshiis horseedaya in la soo afjaro dagaalka Gaza, laguna sameynayo maxaabiis is weydaarsi.
Wafuudda Xamaas iyo Israel ee ku sugan dalkaasi Qatar ayaa la rajeynaya in ay isaga soo dhawaadaan qodobada la isku hayo, si 15 bilood ka dib loo soo afjaro dagaalkan.
Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar oo Mareykanka uu taageerayo ayaa riixaya in labada dhinc ay xaliyaan qodobada uu weli is mari-waaga ka taagan yahay.
Ergada labada dhinac ayaan ahayn kuwo si toos ah u wada hadlaya, balse dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar oo la yeelanaya kulamo gooni-gooni ah ayaa lagu dadaalaya in la isugu soo dhaweeyo.
Masar iyo Qatar oo in muddo ahba dhexdhexaadinayay ayaa isku dayaya in ay meel dhexe isugu keenaan.
Saraakiisha Xamaas ayaa laga soo xigtay in horumar laga sameeyay qaar ka mid ah qodobadii la isku hayay, oo muddo dheerna looga hadlayay wada hadalada, welina ay jiraan qodobo loo baahan yahay in xalkooda la gaaro.
Dhexdhexaadiyeyaasha ayaa labada dhinac kala shaqeynaya, sidii looga gudbi lahaa doodaha ku aaddan qodobada yar ee harsan, kuwaas oo muhiim u ah in heshiis la gaaro.
Madaxweynaha Mareykanka ee xafiiska banneya waa Joe Biden ayaa daneynaya in la joojiyo dagaalka Gaza, ka hor inta aanu xafiiska ka tagin, halka Madaxweynaha la doortay ee dalkaasi, Donald Trump uu isna rabo in la soo afjaro colaadda Gaza, ka hor inta aanu xukunka la wareegin.