Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa u arka inay tahay in Israel ay sii waddo weerarada ay ku hayso Ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan.
Israel ayaa 23-kii bishii September bilowday olole militari oo dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Ururka Xisbullah, waxayna Talaadadii ku dhawaaqday duulaan dhinaca dhulka ah, oo sida ay sheegtay ay Xisbullah kaga fogeynayso deegaanada xuduudda ee labada dal.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa sheegay in dalkiisu uu u arko mid ku habboon in Israel ay sii waddo weerarada ay ku burburineyso kaabeyaasha Xisbullah, inkasta oo ay khatar ku tahay sida uu yiri inay uga sii darto xaaladda gobolka.
“Iyadoo Mareykanka uu ugu dambayntii doonayo inuu arko xabad joojin, haddana Israel waxay ku saxan tahay inay sii waddo beegsiga Xisbullah.” Ayuu yiri Afhayeenka oo Warbaahinta la hadlay.
Matthew Miller ayaa tilmaamay in aanay caddeyn inta uu socon doono hawlgalka Israel ee dalka Lubnaan iyo inaysan cidna garaneyn, waxa dhici doona.
Waxa uu sheegay in dabeecadda colaadaha oo dhami ay yihiin mid dareere ah oo aan la saadaalin karin, sidaa darteedna aan la sheegi karin inta ay Israel ku qaadaneyso hawlgalkan, si ay u gaarto yoolkeeda la sheegay ee ku saabsan in la burburiyo kaabeyaasha militari ee Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.
“Waxaan ku dhiiranahay inaan iraahdo reer Israel ma laha ma garanayaan waxa dhacaya xilligan, mana ahan in la yiraahdo ma haystaan ​​qorshe. Ma aha in la yiraahdo ma laha ujeedooyin, waana in la sheego in isku dhacyadu yihiin kuwo aan la saadaalin karin.” Ayuu yiri Matthew Miller.
Miller ayaa Israel ugu qiil dayay “Waxaan u maleynaynaa inay habboon tahay in Israel ay markan argagixisada horkeento caddaaladda.”
Militariga Israel ayaa sheegay in 1-dii bishan ay hawlgal xadidan ka bilaabeen xadka Lubnaan, taas oo isu bedeli doonto wax aad uga duwan, wixii ay fileysay, marka aad eegto iska caabinta nool ee Xisbullah. Xoogaga Xisbullah ee ku daadsan deegaanada xuduudda ayaa ka hortaagan Ciidamada Israel in ay gudaha isugu soo ballaariyaan deegaanada koonfureed ee xuduudda Lubnaan.
Wasiirka Gaashaandhigga Israel, Yoav Gallant ayaa ku hanjabay in Israel aysan joojin doonin gulufka ka dhanka ah Xisbullah, illaa laga xaqiijinayo ujeedooyinkooda dagaalka.
In ka badan 1.2 milyan oo qof oo reer Lubnaan ah ayaa ku barakacay colaadda ay Israel ku fidisay dalka Lubnaan.
Wasiirka Caafimaadka Lubnaan, Firass Abiad ayaa sheegay in weerarada Israel ay ku dhinteen 2,000 oo qof, 9,384 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaalkan oo sii fido ayaa ka dhigan, xiisaddii kacsaneyd ee gobolka ka jirtay oo dab lagu sii shiday.
Duulaanka Israel ay ku dhawaad sanad ka hor ku qaadday Marinka Gaza ayaad arkaysaa in uu khatar ku yahay gobolka oo dhan.