Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa taageero u muujiyay labada sharci ee kol hore uu ansixiyay Baarlamaanka Israel, laguna joojinayo shaqadii Hay’adda UNRWA ay ka wadday Marinka Gaza, Daanta Galbeed iyo Bariga Qudus ee la haysto.
Kusimaha Safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobey, haweeneyda lagu magacaabo Dorothy Shea oo ka hadleysay sharciyada la go’aamiyay in la dhaqangeliyo 30-ka bishan oo Khamiista ku beegan ayaa sheegtay in Israel ay xaq u leedahay inay xirto Xafiisyada Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta.
Iyadoo fahamsan in sharciyadan ay wiiqayaan adeegyadii muhiimka ahaa ee ay hay’addu ka bixineysay dhulka la haysto ayaa waxay sheegtay in UNRWA aysan ahayn doorashada keliya ee la haysto.
“Mareykanku wuu taageersan yahay fulinta go’aankan.” Ayay tiri Dorothy Shea, iyadoo hay’adda ku eedeysay in ay buunbuunisay saamaynta sharciyadan.
Waxay beenisay in sharciyadan ay halis ku yihiin nolosha mallaayiin qof oo reer Falastiin ah, waxayna intaasi ku dartay in la heli karo hay’ado kale oo buuxiya shaqadii ay dadkaasi u haysay.
“UNRWA weligeed ma noqon ikhtiyaarka keliya ee loo haysto bixinta gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza. Hay’ado kale oo badan ayaa khibrad u leh inay qabtaan shaqadan.” Ayay tiri Dorothy Shea.
Haweeneydan ayaa sheegtay in baahi loo qabo wada hadal aan leex-leexad lahayn, si loo hubiyo bay tiri inuusan hakad ku iman bixinta gargaarka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.
Madaxa Hay’adda UNRWA, Philippe Lazzarini ayaa sheegay in dhaqangelinta sharciyadaasi ay carqaladeyn karaan xabad joojinta iyo dib u soo kabashada Gaza.
Dorothy Shea ayaa xalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u sheegtay in Washington ay ka go’an tahay xaqiijinta heshiiska xabad joojinta, si loo sii daayo maxaabiista, dadka Gaza-na ay u eegaan bay tiri mustaqbal ifaya oo horseedaya inay yeeshaan hoggaan cusub.
Saraakiisha iyo khubarada Qaramada Midoobey ayaa sheegay in shaqo joojinta hay’addan ay noqon doonto mid masiibo ah, iyagoona ka digay in sharciyadaasi la dhaqangeliyo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay go’aankan, maadaama aysan xilligan jirin hay’ad kale oo bedeli karta shaqada hay’addaasi.
“Ma jirto hay’ad kale oo awood u leh amaba u igman in ay qabato shaqadeeda.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres oo warkan ku sheegay warqad uu Israel kaga codsanayay inay ka laabato go’aankaasi, haddii UNRWA uu ka dhigayo mid aan lala macaamili karin.
Warka Dorothy Shea ayaa xitaa jebinaya go’aanka maamulkii hore ee Madaxweyne Joe Biden uu kaga horyimid in UNRWA laga dhigo hay’ad aan ka shaqeyn karin dhulka Falastiiniyiinta.
Midowga Yurub ayaa horey u taageeray shaqada UNRWA. Ururka ayaa ka digay in hay’adda laga joojiyo shaqadeeda aysan jirin cid kale oo dabooli karta.
UNRWA ayaa 8-dii bishii December ee sanadkii 1949-kii lagu sameeyay qaraar uu ansixiyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, waxaana lagu taageeraa gargaarka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee barakacayaasha iyo qaxootiga Falastiiniyiinta.
Hay’addan ayaa waxay waxbarasho, daryeel caafimaad iyo gargaarba ay siisaa mallaayiin Falastiiniyiin ah, oo ku nool Marinka Gaza, Daanta Galbeed, Bariga Qudus, Jordan, Lubnaan iyo Suuriya.
Xafiisyada hay’adda ee dhulka la haysto ayaa loogu talagalay in ay daryeel siiyaan Falastiiniyiinta, illaa iyo inta laga gaarayo xal siyaasadeed oo horseedaya aasaaska Dowladnimada Falastiin.
Safiirka & Kormeeraha Joogtada ah ee Falastiin, Riyad Mansuur ayaa Xubnaha Golaha Ammaanka u sheegay in ay muhiim tahay soo celinta nolosha iyo rajada shacabkooda, iyadoo taageero laga helayo Beesha Caalamka. Safiirka ayaa sheegaya inaysan jirin wax lagu bedelan karo dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta iyo shaqada ku-meel-gaarka ah ee UNRWA.
Israel ayaa u muuqato mid ku adkeysanaysa in la dhaqangeliyo labada sharci ee asal ahaan mamnuuca ka dhigaya in UNRWA ay ka sii shaqeyso dhulka ay haysato.
Haddii Israel ay Khamiista si buuxda u dhaqangeliso sharciyadan, waxay UNRWA noqoneysaa hay’addii ugu weyneyd ee Qaramada Midoobey ee la mamnuuco, iyadoo ku shaqeynaysa xaalad aad u khalafsan.
Ciidamada Israel ayaa dilay 263 ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda UNRWA, muddadii uu socday dagaalka Gaza. Ciidamadan ayaa sidoo kale burburiyay inta badan xarumihii ay hay’addu ku lahayd Marinka Gaza.