Home Wararka Caalamka Mareykanka oo Turkiga kala hadlay horumarka ay mucaaradka ka sameynayaan dagaalka Suuriya

Mareykanka oo Turkiga kala hadlay horumarka ay mucaaradka ka sameynayaan dagaalka Suuriya

by Laacib

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken ayaa khadka teleefanka kula xiriiray dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan, kaas oo uu kala hadlay horumarka ay kooxaha fallaagada ka sameynayaan dagaalka ay kula jiraan Dowladda Suuriya.

Dagaal-yahanada uu Turkiga taageero ee loo yaqaano (Ciidamada Xorta Suuriya) ayaa qayb ka ah dagaalka ka dhanka ah Dowladda Bashar Al Assad oo uu hoggaaminayo Ururka Hayat Tahrir Al-Sham.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa dhiggiisa dalka Turkiga kala hadlay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dadka rayidka ah, oo ay ku jiraan kuwa laga tirada badan yahay ee dalkaasi.

“Blinken ayaa ka hadlay baahida loo qabo in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafka, si waafaqsan qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 2254.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Warbaahinta ayaa soo xiganeysa in Wasiir Fidan uu sheegay in guulaha is daba jooga ah ay fallaagadu ka gaareyso dagaalka ay Madaxweynaha Suuriya ku riixeyso in uu la heshiiyo mucaaradka, isla-markaana uu wada hadal la bilaabo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Bashar Al Assad uu la xiriiray Ankara, uuna ka codsaday in laga joojiyo duulaanka ku socda, balse aan la garaneyn jawaabta saxda ah ee uu kala kulmay.

Jimcihii, Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo ka hadlay xaaladda Suuriya ayaa sheegay inay mucaaradka u rajeynayaan in ay sii socdaan, isla-markaana ay gaaraan sida uu yiri Magaalada Dimishiq.

Xoogaga kacdoonka wada ayaa qarka u saaran inay la wareegaan Magaalada Homs, oo qabsashadeeda ay ka caawineyso inay cagta saaraan waddada Dimishiq.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc