Wararka ka imanaya Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in caawa weerar xagga ah lagu qaaday maleeshiyada Daacish ee ku sugan Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Raadiyaha Puntland ayaa ku waramay in duqayn culus maleeshiyadaasi lagu la beegsaday deegaanka Miiraale ee jiidda galbeed ee Calmiskaad.
Taliska Ciidanka Puntland oo sheegay in duqaynta uu fuliyay Mareykanka ayaa qoraal ku sheegay in lala eegtay firxadka argagixisada Daacish.
“Duqayn caawa ka dhacday Miiraale, Calmiskaad waxaa lala beegtay firxadka argagixisada Daacish. Duqaynta waxaa fuliyay saaxiibada Dowladda Puntland ee Mareykanka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.
Haddii sida Puntland ay sheegtay oo duqayntan uu Mareykanku fuliyay, waxay noqoneysaa tii ugu horreysay ee bishan March uu Daacish ugu gaysto Gobolka Bari.
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa 1-dii bishii February weerar culus ku qaaday saldhigyada ay Daacishta Somaliya ku leedahay Buuraleyda Calmiskaad.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa xilligaasi qoraal ku sheegay in uu isagu amray in weerarkan la qaado, iyadoo la beegsanayo Saraakiil Daacish ah oo aanu magacyadoodu sheegin.
Daacish ayaa loo arkaa khatar kaloo amni oo dalka ka jirta, marka laga soo tago Al Shabaab oo lagu tilmaamo khatarta ugu weyn ee maanta ka jirta Somaliya iyo Afrikaba.
Daacishta Somaliya ayaa bishii October ee sanadkii 2015 looga dhawaaqay Buuraha Galgala ee Gobolka Bari. Muddadii ay dalka ka jirtayna dagaal toos ah lama gelin cid aan Puntland ahayn.
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa wacad ku maray inaysan dagaalka ka joojin Daacish, illaa ninka ugu dambeeya laga dilo amaba uu iska soo dhiibo.