Home Dhacdooyin Markab ganacsi oo laga leeyahay Mareykanka oo ku gubanaya Gacanka Cadmeed

Markab ganacsi oo laga leeyahay Mareykanka oo ku gubanaya Gacanka Cadmeed

by Laacib

Markabka ayaa haatan ku gubanaya Gacanka Cadmeed, ka dib markii ay weerareen Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen, xilli uu halkaasi marayay.

Xoogaga Xuuthiyiinta ayaa gantaalo ah ku weeraray markabkan, kaas oo ku gubanayo goobta uu weerarku ka dhacay.

Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO) ayaa sheegtay in maraakiibta ka ag dhow halka uu weerarku ka dhacay ay maqleen jug xoogan, ka dibna ay arkayn uuro ka imaaneysa jihada markabka.

Markabkan oo ah nooca xamuulka ayaa lagu magacaabaa True Confidence, waxaana soo baxaya in afar ka mid ah shaqaalihii la socday ay si xun u dhaawacmeen, saddex kalena la la’yahay.

Wararka ayaa sheegaya in shaqaalihii kale ee markabka saarnaa lagu guuleystay in laga daadgureeyo, markabkana uu u muuqdo mid meesha looga tagay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in markabku uu safrayay Calanka Barbados, inkastoo laga leeyahay dalka Mareykanka.

Xuuthiyiinta ayaan weli ka hadlin weerarkan ugu dambeeyay ee gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Gacanka Cadmeed.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa si firfircoon weeraradooda maraakiibta uga wada marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taas oo walaac ku haysa xulafada Mareykanka.

Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee loogu talagalay inay ka hortaggaan weerarada Xuuthiyiinta ayaa ku guuldareystay in ay joojiyaan gantaalaha ay soo ridayaan.

Mareykanka ayaa isbahaysigan aasaasay bishii December, iyadoona uu hadafku ahaa in la soo afjaro go’doominta ay Xoogaga Xuuthiyiinta ku hayaan Dekedaha Israel.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa markii hore ku koobnaa maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee ku sii jeeda dekedaheeda, balse markii Mareykanka iyo Ingiriiska ay 12-kii bishii January ay duqaymo wadajir ah ka bilaabeen dalka Yemen ayay Xuuthiyiintu ku dhawaaqeen bartilmaameed sharci ah, oo ka dhan ah maraakiibta laga leeyahay dalalkaasi, tani oo dabka ku sii shiday xiisadda ka oogan marin biyoodyada caalamiga ah.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda maraakiibta ay jawaab u yihiin duulaanka Israel ee ka dhanka ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza iyo duqaymaha ay isbahaysiga Mareykanka ka gaysanayaan dalka Yemen.

Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al-Houthi ayaa mar sii horreysay sheegay in ay weerarada joojin doonaan, kolka ay Israel soo afjarto weeraradeeda arxan-darrada ah ee Gaza, ayna fasaxdo gargaarka bani’aadantinimo ee ay hortaagan tahay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc