Home Dhacdooyin Markab marayay Badda Cas oo laba gantaal lagu dhuftay

Markab marayay Badda Cas oo laba gantaal lagu dhuftay

by Laacib

Markabkan oo ahaa nooca ganacsiga ayaa maanta lagu weeraray xeebaha dalka Yemen, xilli uu ku gooshayay Badda Cas.

Weerarka ayaa ka dhacay meel qiyaastii 70 nautical miles dhinaca waqooyi galbeed kaga beegan magaalada dekedda leh ee Saleef ee dalka Yemen, sida ay sheegtay Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO).

Hay’addan ayaa xaqiijisay in markabka uu la soo wadaagay inay ku dhaceen laba gantaal, qarax saddexaadna uu ku dhacay agagaarkiisa.

UKMTO waxay qoraal ku sheegtay inaanu markabku lumin kontoroolka, isla-markaana uu ku sii socdo dekeddiisa xigta. Qoraalka laguma sheegin wax khasaare ah oo soo gaaray shaqaalihii la socday markabka.

Markabkan ayaa lagu magacaabaa Blue Lagoon I, waana nooca shidaalka qaada, wuxuuna watay Calanka Panama.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse weerarada ceynkani oo kale ah ayaa waxaa looga bartay Ururka Xuuthiyiinta Yemen, kuwaa oo aalaaba maraakiibta ganacsiga ku weerara marin biyoodyada Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Shirkadda Amniga Badda ee Britain (Ambrey) ayaa rumeysan in markabka loo beegsaday xiriirka shirkadda iska leh ay la leedahay Dekedaha Israel.

Markab kaloo ganacsi ayaa la sheegaya in isla maanta lagu weeraray Badda Cas, inkastoo aan wax faah faahin ah laga hayn.

Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen ayaa bishii November bilaabay inay go’doomiyaan Dekedaha Israel, iyadoo markaasi la beegsanayo maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa kale ee lala xiriiriyo dekedahooda.

Xuuthiyiinta ayaa bartamihii bishii January ku dhawaaqay bartilmaameed sharci ah oo ka dhan ah maraakiibta laga leeyahay Mareykanka iyo Ingiriiska, ka dib markii ciidamada labadaasi dal ay 12-kii bishii January bilaabeen inay garaacaan xarumaha ay Xuuthiyiinta ku leeyihiin dalka Yemen, si loo joojiyo weerarada ay ku hayaan maraakiibta ganacsiga.

Saraakiisha Xuuthiyiinta ayaa ku celceliyay wax kasta oo dhaca inaysan joojin doonin weeraradooda maraakiibta, inta Israel ay xasuuqa ka waddo Marinka Gaza.

Xuuthiyiinta Yemen ayaa si weyn uga soo horjeeda weerarada waxashnimada ah ee ay Israel ku leynayso shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc