Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kaga qaybgalay munaasabad lagu soo dhaweynayo markabka Oruc Reis oo ku soo xirtay Dekedda Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa kaloo ka qaybgalay Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre, xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Madaxweyneyaasha Galmudug & Koonfur Galbeed iyo wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Tamarta & Khayraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar oo booqasho ku yimid Caasimadda Muqdisho.
Markabkan oo 5-tii bishan ka soo ruqaansaday xeebaha dalkaasi Turkiga ayaa lagu wadaa in howlo shidaal sahmin ah uu ka bilaabo xeebaha dalka, tanina waxay daba socotaa heshiis ay horaantii sanadkan kala saxiixdeen labada dowladood.
Heshiiska iskaashiga tamarta ee bishii March ayaa saddex shati ama ogolaansho lagu siiyay Shirkadda Turkish Petroleum inay saddex goobood oo xeebaha dalka ah ka sameyso baaris shidaal.
Markabka ayaa sahminta saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ka sameynaya meelaha qandaraaska lagu siiyay Turkish Petroleum, oo middiiba ay ka kooban tahay 5,000km oo isku wareeg ah.
Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka hadlayay munaasabadda soo dhaweynta ee markabka ayaa sheegay in imaanshiyihiisa uu ka tarjumayo ahmiyadda ay labada dal siinayaan buu yiri howshan socoto.
“Howshan socoto oo ah sahminta shidaalka wuxuu ahaa geeddi dheeri, geeddigaas oo marxalado badan oo kala gedisan soo maray. Waxaan nasiib u yeeshay in marxaladdii bilowga ahayd aan kala qayb qaato Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya sanadkii 2013, waxaana haddana sharaf iyo farxad ii ah in maantana aan kala qayb qaato marxaladdii ugu dambeysay aan dhihi karno oo shaqadii qoditaanka shidaalkaa ka horreyso.” Ayuu yiri Wasiirka.
“Maanta waxaan maraynaa meeshii ugu dambeysay ee shidaal sahminta, waxa keliya ee ka harsana inaan la soo baxno waa qoditaankii shidaalka.” Ayuu yiri Wasiirka oo intaasi ku daray “Waxaan aaminsanahay shidaalka inuu yahay ilaha ugu muhiimsan ee dakhliga Somaliya laga helayo, si dib-u-dhiska Somaliya ay qayb uga noqoto.”
Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in uu bilowday sahankii iyo geeddigii looga bixi lahaa gaajada iyo faqriga.
Raysal Wasaare Barre ayaa Alle ka rajeeyay in dalka uu ka gudbi doono saboolnimada, isla-markaana ay maanta bilaabatay howshii looga faa’iideysan lahaa khayraadka dabiiciga ah ee Alle uu dalka dhex dhigay.
Somaliya ayaa leh illaa 260 ceel oo badda ah, sida uu horaan sheegay Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka & Macdanta Somaliya.
Shirkadda Geoseismic ayaa cilmi baaris ku ogaatay in Somaliya ay leedahay kayd shidaal iyo gaaska dabiiciga ah oo u dhigma 30 bilyan oo fuusto.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay ka faa’iideysan doona khayraadka aan la taaban ee dalka uu leeyahay.