Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa wada dadaalo lagu badbaadinayo heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas, kaas oo qarka u saaran in uu burburo.
Dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ayaa Caasimadda Qaahira ku qabanaya kulamo lagu xaqiijinayo inaysan burburinta xabad joojinta Gaza.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay in wafdiga ku metelaya wada hadalada ay Arbacadii gaareen dalkaasi Masar.
Xamaas ayaa sheegtay in ergadeeda ay kulamo la leeyihiin masuuliyiinta, si ay u kormeeraan dhaqangelinta heshiiska xabad joojinta.
Xamaas waxay Israel ku eedeysay inaysan si sax ah ugu hoggaansamin fulinta qodobada heshiiska.
Xamaas ayaa xalay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaysan wax dheg jalaq ah u siin doonin hanjabaadaha uga imanaya Mareykanka iyo Israel ee la xiriira, haddii aysan maxaabiista oo idil Sabtida sii deynin uu dagaalku dib u bilaaban doono.
Madaxweyne Donald Trump ayaa Xamaas ugu hanjabay in Israel ay ka bixi doonto heshiiska, isla-markaana ay cadaab dhici doonto, haddii aanay maxaabiista oo dhan sii deynin duhurnimada Sabtida
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel ay dagaal adag ka bilaabi doonto Marinka Gaza, haddii aan la soo sii deyn maxaabiista looga haysto gudaha Gaza.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa Arbacadii ku goodiyay tallaabo militari oo ka dhan ah Gaza, haddii Xamaas ay ku guuldareysato sii deynta maxaabiista.
Saraakiisha Masar iyo Qatar ayaa laga soo xigtay in labada dal ay xoojinayaan doorkooda diblomaasiyadeed, si aysan u burburin xabad joojinta Gaza.
Masar iyo Qatar ayaa muddo dheer dhexdhexaadinayay Xamaas iyo Israel, waana labada dal ee keliya ee martigeliya kulamada lagu dhexdhexaadinayo.
Shacabka Israel ayaa ka bannaanbaxaya khatar ay dareemayaan in ay wajahayaan dadkooda lagu haysto Gaza, iyagoona xukuumadda ku cadaadinaya in ay si dhameystiran u fuliso heshiiska, si qoysaska iyo ehelada ay ugu suurtagasho inay dib ula midoobaan xubnaha ka maqan.