Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa ka hadlay wada hadal khadka teleefanka ku dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony Blinken.
Afhayeenka ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo Wasiirka ay si dhow uga wada hadleen xaaladda Geeska Afrika.
“Blinken ayaa la hadlay Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna ka hadleen arrimaha ammaanka iyo xasilloonida gobolka.” Ayuu yiri Afhayeenka oo warkan ku sheegay qoraal uu soo saaray.
Matthew Miller ayaa tilmaamay in Washington ay Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqday in uu diiradda saaro la dagaalanka kooxaha argagixisada.
“Waxay sidoo kale ka wada hadleen qorsheyaasha lagu doonayo in lagu bedelo Hawlgalka KMG Midowga Afrika ee ATMIS iyo doorka muhiimka ah ee Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Somaliya.” Ayuu yiri Miller.
Mar sii horreysay qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada ammaanka, xasilloonida gobolka iyo taageerada Mareykanka ee dagaalka lagu la jiro kooxaha argagixisada.
Somaliya ayaa kooxo argagixiso u aqoonsan maleeshiyada Al Shabaab iyo Daacishta degan Buuraleyda Gobolka Bari ee Puntland.
Villa Somalia ayaa waddo qorshe ay dooneyso in ay dalka kaga sifeyso kooxaha argagixisada, iyadoo taageerada Mareykanka ay kaalin ku leedahay, sidii loo wiiqi lahaa.
Mareykanka ayaa Somaliya ka taageera hawlgalada xagga cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka iyo dhismaha & tayaynta ee Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.
Washington ayaa dooneysa in Villa Somalia ay hoos u dhigto xurgufta kala dhaxeysa Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii is afgaradka ahaa ee 1-dii bishii January dhex maray Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo Itoobiya u ogolanayo in laga kireeyo marin badeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag uga horyimid heshiiskaasi ayaa ku tilmaamay mid sharci darro, isla-markaana aanu dhaqangeli doonin.
Heshiiskan ayaa Geeska Afrika ka abuuray xiisad culus, iyadoona dalalka gobolka ay walaac ka muujiyeen xaaladda cakiran ee ka dhex taagan Somaliya iyo Itoobiya.
Xiisaddan ayaa imanaysa, iyadoo Dowladda Soomaaliyeed ay ku fooganeyd la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab iyo dardargelinta hawlgalada la doonayo in dalka looga ciribtiro.
Wada hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Blinken ayaa yimid, ka dib markii La Taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Macalin Maxamuud uu sheegay in Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah ATMIS aysan dalka ka sii hawlgeli doonin, sababo ku aaddan Addis Ababa oo xiisad kala dhaxeyso Muqdisho aan loo arki karin saaxiib loo kaashado horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.
Waxa uu sheegay in Somaliya ay fileyso in dhammaan Militariga Itoobiya ay isaga baxaan dalka dhammaadka sanadkan, marka uu dhammaado Hawlgalka KMG ah ee ATMIS.
Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay in ciidamo ka socdo dalal kale oo ka tirsan Midowga Afrika ay sii joogi doonaan dalka, kuwaa oo sida uu sheegay qayb ka noqon doona hawlgalka lagu wado in lagu bedelo ATMIS, kaas oo aan weli magac loo bixin.
Ciidanka Midowga Afrika ayaa Somaliya ka taageera howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab. Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in Dowladda Federaalka looga gacan siiyo dagaalka dib-u-xoreynta dalka.
Dagaalkan ayaa muhiim u ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, si laba sano ka dib ay dalka uga qabsoomto doorasho dadweyne, waana mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee haatan horyaalla Villa Somalia.
Shabaabku oo 17 sano dalka ka dagaamayay ayaa loo arkaa dhibaatada ugu weyn ee caqabadda ku ah in uu hagaago amniga dalka.