Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay weerarkan oo lagu dilay saddex nin oo Israeliyiin ah, ka dib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay Ciidanka Ilaalada Israel ee ku sugan xadka Daanta Galbeed ay la wadaagto dalka Jordan.
Ninkan oo ka yimid dhinaca Jordan ayaa askarta ku weeraray Buundada Boqor Hussein (Allenby) ee u dhaxeysa Jordan iyo Daanta Galbeed.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa weerarkan la xiriiriyay dagaalka weyn ee Israel kala dhaxeeya sida uu yiri Iran iyo ururada hubeysan ee gacan saarka la leh, oo ay ku jiraan buu yiri Xamaas iyo Xisbullah.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in saddexda nin ee Israeliyiinta ah ay dileen, waxa uu ugu yeeray argagixiso la quursado.
“Israel waxaa ku hareereysan fekrado wax uun lagu dilayo, oo ay hoggaamineyso dhidibka sharka ah ee Iran.” Ayuu yiri Netanyahu.
Ninka weerarka gaystay oo lagu magacaabo Maher Diab Hussein Al-Jazi ayaa lagu sheegay askari ka fariistay Ciidamada Jordan, kana soo jeeda Gobolka Maan ee koonfurta Caasimadda Amman.
Wakaaladda Wararka Jordan ee Petra ayaa ku warantay in muddooyinkii ugu dambeysay uu alaabaha u qaadayay Daanta Galbeed.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jordan ayaa sheegtay in iyadoo laga duulayo natiijada baaritaanka, aysan jirin cid kale oo ninkaasi ku wehlineysay weerarka, isla-markaana uu keligii uun ku koobnaa.
Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka goob ganacsi oo Israel ay maamusho, halkaas oo baabuurta Jordan ay ka soo dejiyaan shixnadaha la keeno Daanta Galbeed ee la haysto.
Marinka muhiimka ah ee Buundada Boqor Hussein ayaa la xiray, illaa amar dambe, inkastoo Israel ay markii dambe ku dhawaaqday in dib loo furi doono Isniinta.
Buundada Allenby ayaa ah marin ganacsi oo muhiim ah oo Israel iyo Jordan ay leeyihiin, waana mid ka mid ah shanta isgoys ee la isaga gudbo xuduudda dhinaca dhulka ee ay wadaagaan.
Weerarkan ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah oo ka dhaca xadka Jordan ay la leedahay Daanta Galbeed ee Falastiin, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza.
Inkastoo Jordan iyo Israel ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen sanadkii 1994-kii, haddana dalkan Carbeed ayaa si weyn u dhaliila siyaasadda Israel ee ku wajahan Daanta Galbeed.
Jordan ayaa waxaa ku nool mallaayiin qof oo Falastiiniyiin ah, kuwaa oo marar badan dalkaasi ka dhigay dibadbaxyo lagaga soo horjeedo dagaalka Gaza iyo gacanta adag ee ay Israel ku wajaheyso Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed.