Home Wararka Maanta Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi) oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo

Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi) oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Gedo

by Laacib

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay Gudoomiye cusub u magacaabay Gobolka Gedo.

Madaxweynaha ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu Maxamed Xuseen Isaaq (Al Qaadi) ugu magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaha xigga ee Gobolka Gedo.

Tani ayuu macnaheedu yahay in Madaxweynuhu uu xilka ka qaaday Gudoomiyihii hadda ku magacawnaa gobolkaasi, Cabdullaahi Cabdi Jaamac (Shimbir).

Gudoomiye Shimbir ayaa dhawaan ka horyimid dib u doorashadii Madaxweynaha Jubbaland, oo sida uu sheegay aanay aqbali doonin, taas oo keentay in lagu soo bedelo Gudoomiye Kuxigeenkiisii.

Al Qaadi ayaa haatan ku magacawnaa Gudoomiye Kuxigeenka Maamulka ahna Xoghayaha Gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa 6-dii bishii June ee sanadkii 2023 waxa uu Cabdullaahi Shimbir u xushay inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Gedo, isagoona xafiiska kala wareegay Axmed Buulle Maxamed (Gareed).

Al Qaadi oo horey uga tirsanaa Saraakiishii Ahlu Sunnada Gobolka Gedo ayay magacaabiddiisu imaneysaa, iyadoo uu khilaaf xoogan ka dhex taagan yahay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc