Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa waxaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ka dib tartan adag oo maanta ka dhacay Magaalada Addis Ababa.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa tartanka kaga adkaaday Raila Odinga oo horey u soo noqday Raysal Wasaaraha Kenya iyo Richard Randriamandrato, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Madagascar.
Hoggaamiyeyaasha Afrika ee ka qaybgalaya Meertada 38aad ee Midowga Afrika ayaa Maxamuud Cali Yuusuf u doortay hoggaamiyaha xiga ee guddiga ee Ururka Midowga Afrika oo dhan.
Midowga Afrika ayaa waxaa xubno ka ah 55 dal. Hoggaamiyeyaasha ama Madaxweyneyaasha Dowladaha ayaana doorta Hoggaamiyaha Guddiga Midowga Afrika, kaas oo ah madaxa fulinta ee ururka uu fadhigiisu yahay Addis Ababa.
Waxaa xusid mudan in doorashadii galabta aysan ka qaybgelin madaxda lix dal oo Afrikan ah, kuwaas oo howlihii ururka looga hakiyay arrimo gaar ah.
Dalalka laga reebay codeyntan ayaa kala ah Sudan, Niger, Burkina Faso, Mali, Gabon iyo Guinea. Dalalkan ayaa habka codbixinta looga reebay sababo isugu jira afgembiyo ka dhacay iyo dagaalo sokeeyo.
Maxamuud Cali Yuusuf ayaa xilka hayn doona afar sano, waxaase uu mar kale xaq u leeyahay in uu jegadaasi isu soo sharaxo.
Maxamuud Cali ayaa bedelaya Moussa Faki oo u dhashay dalka Chad, kaasoo xilkan hayay, tan iyo sanadkii 2017.
Natiijadan ayaa waxay dhabar jab ku tahay Raila Odinga, oo ah Hoggaamiyaha Mucaaradka Kenya, isaga oo dagaal adag u galay, sidii uu jegadan ugu guuleysan lahaa, isagoona xitaa taageero ka raadsaday dowladda dalkaasi ee mucaaradkeeda uu ahaa. Ninkan ayaa dhawaan isbahaysi siyaasadeed la galay Dowladda Madaxweyne William Ruto, sababtu tahay isagoo ahmiyad badan siinayay jegada Midowga Afrika.
Odinga ayaa lagu tilmaamaa siyaasi aan biti amaba nasiib u lahayn in tartan uu galo uu ku soo baxo.
80 jirkan Kenyanka ah ayaa horey shan jeer ugu tartamay jegada madaxtinimada ee dalkaasi, inkastoo aanu mar qura ku guuleysan. Waayihiisii ugu wanaagsanaa ee gudaha waxay ahayd, markii sanadkii 2008 uu noqday Raysal Wasaaraha Kenya, ka dib wada-xaajood adag oo lagu soo afjarayay rabshadihii hareeyay doorashadii sanadkaasi ka dhacday dalkaasi, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 1,000 qof.
Xilka ama jegada Midowga Afrika waxay u noqon lahayd shaqadiisii ​​ugu dambeysay ee arrimaha bulshada, tiina waxaa ka madoobeeyay siyaasiyiga reer Jabuuti ee tartanka ku soo baxay.
Maxamuud Cali ayaa xafiiska la wareegaya, xilligan oo kacdoon rabshado wata ay ka socdaan bariga Jamhuuriga Dimoqraadiga Congo iyo iyadoo ku dhawaad laba sano uu dagaal sokeeyo ka socdo dalka Suudaan.
Maxamuud Cali ayaa tan iyo 22-kii bishii May ee sanadkii 2005 ku magacawnaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.