Home Wararka Caalamka Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga oo Israel ku amartay inay joojiso weerarka ballaaran ee Rafah

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga oo Israel ku amartay inay joojiso weerarka ballaaran ee Rafah

by Laacib

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah ee ICJ ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii soo saartay amar ay Israel ugu sheegeyso inay si degdeg ah u joojiso gulufka ballaaran ee ay dhawaan ka bilowday deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Gudoomiyaha Maxkamadda ICJ, Nawaf Salam oo akhrinayay xukunka ka soo baxay maxkamadda ayaa sheegay in xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza ay sii xumaaneysay, tan iyo amarkii ugu dambeeyay ee maxkamadda ka soo baxay bishii March, loogana dalbanayay Israel inay qaaddo tallaabooyin ay ku joojineyso masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan.

“Dowladda Israel waa inay si degdeg ah u joojiso duulaanka militari iyo wax kasta oo ka dhan ah Rafah, sababtoo ah waxay dadka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza ay ku sababeysaa xaalado nololeed oo keeni kara burbur jireed, guud ahaan iyo gaar ahaanba.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda ICJ.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale Israel ugu yeeray inay furto waddada uu ka gudbo gargaarka bani’aadantinimo ee ku taala xuduudda Masar iyo Marinka Gaza.

Ciidamada Israel oo 7-dii bishan la wareegay Isgoyska Rafah ayaa xanibay gargaarkii bani’aadantinimo ee Marinka Gaza ka soo gelayay bariga Rafah.

Nawaf Sharif, Gudoomiyaha Maxkamadda ICJ ayaa adkeeyay in Israel ay ogolaato gurmadka bani’aadantinimo ee la gaarsiinayo dadka rayidka ah ee u baahan.

Amarkan ayaa waxaa ansixiyay 13 ka mid ah 15-ka garsoor ee Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah.

Go’aanka ka soo Maxkamadda ICJ ayaa imanaya, ka dib markii Dowladda Koonfur Afrika ay bartamihii bishan u gudbisay dacwad ku aaddan in duulaanka Israel ee Rafah uu dhibaato ku yahay dadkii horey ugu barakacay deegaankaasi. Rafah ayaa hoy u ahayd 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, ka hor duulaanka Israel ay ku qaadday deegaankaasi.

Koonfur Afrika ayaa maxkamadda ka codsatay inay soo saarto amar ka dhan ah duulaanka Israel ee Rafah, si loo badbaadiyo nolosha dadka rayidka ah. Koonfur Afrika ayaa Tel Aviv ku eedeysay in ay xasuuq ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Amarkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Maxkamadda Qaramada Midoobey ka soo saarto, muddada 8-da bilood ku dhow ee ay Israel weerarada baahsan ka waddo Marinka Gaza.

Maxkamadda ayaa horey uga dalbatay Israel in ay ilaaliso dadka rayidka ah, isla-markaana aanay carqaladeyn gaadiidka Qaramada Midoobey ee gargaarka gaynaya Marinka Gaza, ha yeeshee aanay Israel wax dheg jalaq ah u siinin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc