Dowladda Canada ayaa waxay ka hortimid qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Ukraine, xilligan oo dowladdiisa ay Ruushka la bilowday wada hadalo lagu soo afjarayo colaadda dalkaasi.
Mareykanka iyo Ruushka ayuu maanta dalka Sacuudiga uga bilowday shir la sheegay in loogu gogol-xaarayo wada hadalada nabadda ee Ukraine, iyadoo Ukraine ay weliba ka maqan tahay miiska wada hadalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Canada, Melanie Joly ayaa sheegtay in loo baahan yahay in Ukraine ay qayb ka noqoto miiska wada hadalka.
Waxay ku celisay mowqifka dalalka G7, ee ah in Ukraine ay hesho damaanad amni oo xoog badan, heshiis kasta oo lagu soo afjarayo dagaalka kala dhaxeeya Ruushka.
“Mowqifka Canada waa halkiisii, waana in Ukraine ay goobjoog ka ahaato wad-xaajoodyada, waxaana loo baahan yahay inay hesho damaanad amni oo xoog leh.” Ayay tiri Melanie Joly.
Waxay kaloo tiri “Waxaan si fiican u ognahay in Madaxweynaha Ruushka, Putin uusan lahayn khad cas iyo in Ukraine ka dib ay hubaal noqon karto weerar ka dhan ah dhulka NATO.”
Haweeneydan ayaa sheegtay in Canada, Mareykanka iyo Yurub ay tahay in ay damaanad qaad buuxda siiyaan Ukraine.
“Ma doonayno inaan aragno xaalad ku saabsan xabad joojin, isla-markaana aysan jirin nabad waarta iyo in Ciidamada Ruushka ka baxaan Ukraine, dib ay isu soo habeeyaan, ka dibna ay ku soo laabtaan Ukraine.” Ayay tiri Melanie Joly oo ka digtay in Madaxweyne Trump uu abuuro xaalad ka khatar badan midda maanta jirta.
Madaxweyne Trump ayaa doonaya in la soo afjaro dagaalka Ukraine, iyadoo Ukraine ay dibadjoog ka tahay wada hadalada looga hadlayo masiirkeeda.
Tani waxay kicisay qaylo dhaan ka timid xulafada Ukraine ee reer Yurub, kuwaa oo walaac xoogan ka muujiyay inaysan iyaga iyo Kyiv-ba wax boos ah ku lahayn wada-xaajoodkan.
Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa qaadacay dhabaha uu Trump u marayo xalinta colaadda Ukraine.
Yurub iyo Canada waxay ka mid yihiin xulafada ugu muhiimsan ee Mareykanka.