Home Wararka Caalamka Meydad badan oo laga soo saaray burburka dhismayaasha, ka dib weerarkii Israel

Meydad badan oo laga soo saaray burburka dhismayaasha, ka dib weerarkii Israel

by Laacib

Meydadka 18 qof ayaa laga soo saaray burburka dhismayaasha, ka dib duqayn xoogan oo Ciidanka Cirka Israel ay Sabtidan ka gaysteen xaafadda Tuffah ee dhulka xeebta ee Marinka Gaza.

Kooxaha gurmadka oo garabsanaya qoysaska iyo ehelada dhibaneyaasha ayaa ku guuleystay in burburka hoostiisa ay ka soo saaraan xubnihii qoysaska ee lagu waayay duqaynta.

Meydadka oo gaadiid looga qaaday xaafaddaasi ayaa la geeyay isbitaalada, iyadoo ehelada ay qorsheynayaan inay aasaan.

Qaraabada ayaa ka murugeysan, sida xaq darrada ah ee dadkaasi loo laayay, iyadoo aysan ka dambayn wax isla xisaabtan ah.

Duqayntan ayaa daba socoto mid kale oo Ciidanka Cirka Israel ay isla maanta ka gaysteen xerada qaxootiga Shati ee xeebta waqooyi ee Marinka Gaza.

Xeradan ayaa waxaa ku soo barakacay qoysaskii horey looga soo barakaciyay waqooyiga Marinka Gaza, waana goob ay Israel dadka rayidka ah ugu sheegtay aag nabdoon.

Labada weerar ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 42 qof oo rayid ah, iyadoo tobanaan kalena ay ku dhaawacantay, sida uu mar sii horreysay baahiyay Xafiiska Warfaafinta Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa galabta soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in diyaaradahooda dagaalka ay bartilmaameedsadeen laba goobood, oo ay ku sheegeen kaabayaal militari oo Xamaas ay ku leedahay Gaza.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa Israel ugu yeeray in ay ilaaliso dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa waajib, marka loo eego Axdiga Geneva.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Madaxda Israel ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada caalamiga ah ee loogu jeedinayo inaysan ciidamadoodu bartilmaameedsan goobaha ay rayidku ku badan yihiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc