Home Wararka Maanta Midowga Yurub oo ka digay in xaaladda Bariga Dhexe ay faraha ka baxdo

Midowga Yurub oo ka digay in xaaladda Bariga Dhexe ay faraha ka baxdo

by Laacib

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in Midowga Yurub uu ka walaacsan yahay xiisadda sii kordheysa ee ka jirta Bariga Dhexe.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in gobolka uu qarka u saaran yahay dagaal aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay.

“Xiisadda Bariga Dhexe ayaa sii kordheysa, taasoo keentay inuu gobolka qarka u fuulo dagaal aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay.” Ayuu yiri Josep Borrell.

Josep Borrell ayaa ku baaqay in dunida ay la xisaabtanto kuwa ka shaqeynaya hurinta colaadda gobolka.

“Dhammaan kuwa u taagan dariiqa kicinta waa in lala xisaabtamaa.” Ayuu yiri Josep Borrell oo ka digay cawaaqibka uu yeelan karo dagaalkan.

“Dhammaanteen waa inaan ka hortagnaa masiibo kale.” Ayuu yiri Josep Borrell, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub oo ku taliyay in la joojiyo dagaalka Marinka Gaza, kaas oo gobolka ku jiidaya isku dhac ballaaran.

Xiisadda gobolka ayaa meel adag gaartay, ka dib dilkii 31-kii bishii July Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh loogu gaystay Magaalada Tehran iyo hanjabaadda ay Iran u jeedisay Israel, ee ah inay ka aargudan doonto.

Madaxweynaha cusub ee Iran, Masoud Pezeshkian ayaa wacad ku maray in Israel ay ka shalaayi doonto xadgudubka ay ku soo sameysay dalkooda iyo dhiiggii Ismail Haniyeh ay dhulkooda ku daadisay.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maalin ka hor ku hanjabay in ay si adag uga aargudan doonaan weerar kasta oo kaga yimaada cadowga Israel, sida uu yiri.

Khubarada amniga ayaa isku raacsan in Iran ay ka aargudan doonto Israel, qaabka ay doontaba ha uga aargudatee, balse waxay walaac ka muujinayaan jawaabta Israel iyo Mareykanka ay ka bixin karaan weerarka ay Iran qorsheynayso.

Dadka ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe ayaa xaaladda taagan ku sheegay mid walaaceeda leh, iyagoona ka baqdin qaba in tani ay gobolka ku hoggaamiso dagaal weyn.

Faallada Mr. Borrell ayaa xoojineysa cabsida sii kordheysa ee laga qabo in gobolku uu ka qarxo dagaal aan waxba la isku reeban.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc