Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ayaa daadgureeyay shaqaalihii la socday markabka nooca shidaalka ee Arbacadii shalay lagu gubay Badda Cas, ka dib markii ay weerareen Xoogaga Xuuthiyiinta Yemen.
Kooxo la socday doomo yaryar ayaa rasaas oodda kaga qaaday markabka Sounion oo watay Calanka Giriiga, iyadoona uu weerarku ka dhacay meel 77 nautical miles dhanka galbeed kaga beegan Magaalada Hudaydah ee Yemen.
Dab xoogan oo ka kacay markabka ayaa keentay in matoorka uu lumiyo awooddii uu ku dhaqaaqi lahaa markabka, sida ay sheegtay Hay’adda La socodka Ganacsiga Badda ee Britain (UKMTO).
Hawlgalka Midowga Yurub ee Badda Cas ayaa sheegay in ay ka jawaabeen codsi uga yimid shirkadda markabka iska leh iyo kabtankii markabka, si loo samatabixiyo 23 shaqaale oo u dhashay dalka Filibiin iyo laba Russian ah.
Sarkaal ka tirsan Hawlgalka Midowga Yurub ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay inay soo badbaadiyeen dhammaanba shaqaalaha.
Shaqaalaha ayaa loo daadgureeyay dalka Jabuuti, sida uu xaqiijiyay Hawlgalka Midowga Yurub ee Badda Cas. Markabka ayaa looga tagey goobtii uu weerarku ka dhacay.
Markabkan ayaa ka ambabaxay dalka Ciraaq, iyadoo uuna ku sii jeeday deked ku taala duleedka Magaalada Athens, halkaas oo ay ku yaalaan warshado sifeeya shidaalka.
Wasiirka Gaadiidka Badda ee Giriiga, Christos Stylianides ayaa cambaareeyay weerarka, isagoo ku sheegay xadgudub bareer oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo khatar weyn oo ku wajahan badqabka maraakiibta caalamiga ah.
Xuuthiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November maraakiibta ganacsiga ku weerarayay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, gaar ahaan kuwooda lala xiriiriyo Dekedaha Israel iyo kuwa kale ee laga leeyahay dalalka Mareykanka, Ingiriiska iyo Israel.
Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weeraradan ay ku taageerayaan shacabka Falastiiniyiinta, gaar ahaan dadka Gaza, si Israel ay u joojiso duulaankeeda Marinka Gaza.