Home Dhacdooyin Militariga Israel oo gubay Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza

Militariga Israel oo gubay Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii xoog ku galay Isbitaalka Kamal Adwan ee waqooyiga Marinka Gaza, iyagoona dab qabadsiiyay.

Wararka ayaa sheegaya ka hor inta aysan Ciidamada Israel burburin isbitaalkaasi inay 350 qof, oo isugu jira shaqaale caafimaad iyo bukaan ay ku khasbeen inay banneeyaan.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in isbitaalku uu ahaa meel saldhig u ah Xoogaga Ururka Xamaas, inkastoo aysan wax caddeyn soo bandhigin. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay burburiyeen, isla-markaana ay gubeen qolalka qaliinka, qaybta gargaarka degdegga ah iyo qaybtii kale ee shaybaarka.

Militariga Israel ayaa sheegay in dab yar uu ka kacay qayb ka mid ah dhismaha isbitaalka oo faaruq ah, isla-markaana aysan ka warqabin wax rasaas ah oo dabka sababay.

Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan, Hussam Abu Safiya ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay si ula kac ah u gubeen isbitaalkaasi, ujeedaduna ay ahayd inaanu isbitaalkaasi shaqeyn.

Abu Safiya ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadaasi ay xireen qaar ka mid ah shaqaalihii isbitaalkiisa, isla-markaana ay ugu talagaleen sida uu sheegay inay curyaamiyaan adeegyadii caafimaad ee uu bixinayay isbitaalkii ugu dambeeyay ee qaybaha waqooyi ee Marinka Gaza.

Isbitaalkan ayaa in muddo ahba ka mid ahaa saddexda isbitaal ee sida yar uga shaqeynayay waqooyiga Gaza, ka dib dhowr jeer oo Ciidamada Israel ay weerareen, waana kan ugu dhow dhaqdhaqaaqa militari ee Israel ee Beit Lahiya iyo xerada qaxootiga Jabalia.

Ciidamadan ayaa bishii 3aad hawlgal lagu sheegay isir sifeyn ka wada waqoyiga Gaza, si halkaasi ay uga suuliyaan Falastiiniyiinta.

Weerarka lagu beegsaday Isbitaalka Kamal Adwan ayaa sii xumeynaya xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta guud ahaan Marinka Gaza, gaar ahaan waqooyigeeda oo baahi weyn oo caafimaad iyo raashiin la’aan ay ka jirto.

Ciidamada Israel oo si weyn u go’doomiyay dhulkaasi ayaa hortaagan in la geeyo raashiinka, biyaha, dawada iyo qalabka caafimaadka ee aadka loogu baahan yahay.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA), Philippe Lazzarini ayaa Israel ku eedeeyay inay jebisay wixii sharci ahaa ee dunida u yiilay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc