Militariga Israel ayaa maanta sheegay in weerar xagga cirka ah oo laga fuliyay gudaha dalka Lubnaan lagu dilay taliye sare oo ka tirsanaa Ururka Xisbullah.
Militariga Israel ayaa war ku sheegay in Abu Ali Rida lagu dilay duqayn ay diyaaradahooda dagaalka ka gaysteen koonfurta dalkaasi.
Warka ayaa lagu sheegay in Abu Ali Rida uu taliye ka ahaa deegaanka Baraachit ee koonfurta Lubnaan.
“Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa duqayn ku dilay Abu Ali Rida, oo ahaa Taliyaha Xisbullah ee deegaanka Baraachit ee koonfurta Lubnaan.” Ayaa lagu yiri warka.
Militariga ayaa sheegay in Abu Ali Rida uu ka masuul ahaa qorsheynta iyo fulinta weerarada gantaalada iyo gantaalaha lidka taangiyada ee ka dhanka ah Ciidanka Difaaca Israel.
“Qaybta 91aad ee Ciidanka Difaaca Israel ayaa sii wada burburinta kaabeyaasha argagixisada iyo inay ka hortagaan weerarada dagaal-yahanada argagixisada ee koonfurta Lubnaan.” Ayaa lagu yiri warka Militariga Israel.
Ururka Xisbullah ayaan weli si rasmi ah u xaqiijin sheegashada Israel ee ku aaddan in saaxada dagaalka laga saaray Abu Ali Rida.