Home Dhacdooyin Militariga Israel oo si la yaab leh uga hadlay sii deynta Xamaas ee Hisham Al Sayed

Militariga Israel oo si la yaab leh uga hadlay sii deynta Xamaas ee Hisham Al Sayed

by Laacib

Militariga Israel ayaa cambaareeyay qaabka ay Xamaas ula dhaqantay Hisham Al Sayed, markii laga sii deynayay Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Ururka Xamaas uu si gaar ah ula dhaqmay ninkaasi, oo ka soo jeeda qowmiyadda Bedouin. Militariga ayaa muujiyay inay ka carreysan yihiin in Xamaas ay keligii sii deysay ninkaasi, intii ay maxaabiis wareejinta sameynaysay shantii toddobaad ee ugu dambeysay.

Ninkan oo muddo dheer u xirnaa Xamaas ayay galabta wareejintiisu ka dhacday Magaalada Gaza, iyadoo aysan Xamaas halkaasi ku qaban wax xaflad ah, si la mid ah marka ay maxaabiista sii deynayso.

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in Xamaas ay sidaasi u sameysay, iyadoo xushmeynaysa qoyskiisa iyo ixtiraamka ay u hayso Muslimiinta Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa goor dambe war uu soo saaray ku sheegay in Xamaas, sidii lagu yaqiinay aysan munaasabad u sameyn ninkaasi, iyagoo xushmeynaya bay yiraahdeen bulshada Israeliyiinta ee Bedouin.

Taliska ayaa laba jeerba cambaareeyay Xamaas, haddii xoogageeda ay maxaabiista ku sii deynayaan munaasabado ay soo abaabuleen iyo haddii ay sameynayaan, sidii ay galabta sameeyeen oo kale.

Taliska ayaa marar badan marxalad argagax leh ku tilmaamay munaasabadihii Xamaas ay tan iyo 19-kii bishii January ku sii deynaysay maxaabiista Israeliyiinta.

Munaasabadaha iyo bandhigyada ay qabato Xamaas, kolka ay maxaabiista sii deynayso ayaa aad u sii jiitay indhaha dadka.

Xoogaga Xamaas ayaa Hisham Al Sayed oo 36 jir ah ku wareejiyay Shaqaalaha Laanqeyrta Cas, oo iyagana u qaaday koonfurta Israel ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto. Ninkan ayaa haysta dhalashada Israel.

Xamaas ayaa ninkaasi gacanta ku dhigtay 20-kii bishii April ee sanadkii 2015, ka dib markii uu gudaha u soo galay Marinka Gaza, isagoo jebiyay xeendaabka amniga.

Hisham Al Sayed ayaa noqday maxbuuskii ugu dambeeyay ee Xamaas ku sii deyso wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Israel.

Maamulka Israel iyo Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa maanta soo geba-gabeynaya wejiga koowaad ee heshiiska maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac, oo lagaga faa’iideysanayo lixda toddobaad ee heshiiska xabad joojinta Gaza.

Xamaas ayaa waxay sii deysay lix maxbuus oo Israeliyiin ah, iyadoona ku bedelatay in ka badan 600 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel, inkastoo Israel aysan weli sii deynin tirada maxaabiistaasi.

Israel ayaa waxaa dhankeeda laga sugayaa in ay xorriyaddooda siiso maxaabiistaasi, maadaama ay Sabtidan ku egtahay xilliga lagu heshiiyay in lagu sii daayo qaybta ugu dambeysa ee maxaabiista lagu sii deynayo wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta.

Xamaas iyo Israel ayaa 15-kii bishii January ku heshiiyay saddex weji oo xabad joojin ah, oo wejigiisii koowaadna uu 19-kii January ka dhaqangalay Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc