Taliska Militariga Israel ayaa maanta soo saaray awaamiir hor leh oo lagu barakacinayo shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Marinka Gaza, xilli dagaalka Gaza uu sanad ku dhow yahay.
Militariga Israel ayaa shacabka ku wargeliyay in ay isaga baxaan qaybo ka mid ah deegaanada koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza, gaar ahaan xerada qaxootiga Nuseirat iyo xaafadaha koonfurta ee saaran Waddada Salah Al Din oo ka mid ah waddooyinka ugu muhiimsan ee Marinka Gaza.
Qoysaska hadda lagu amray inay barakacaan ayaa intooda badan horey uga soo barakacay waqooyiga Marinka Gaza iyo deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.
Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Avichay Adraee ayaa sheegay in dadka rayidka ah ay tahay inay gaaraan aagagga bani’aaadantinimada ee Gaza.
“Xamaas iyo ururada argagixisadu waxay sii wadaan dhaqdhaqaaqyada argagixisanimo ee ay ka wadaan meelahaasi, sidaas awgeed Ciidanka Difaaca Israel waxay ku dhaqaaqi doonaan weeraro ka dhan ah canaasiirta.” Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa qof kasta oo ku nool dhulka hadda barakacinta laga sameynayo ugu yeeray “Badbaadadaada awgeed si deg deg ah uga bax aagaggaas oo aad aagga bani’aaadantinimada.”.
Israel ayaa marba qayb barakacineysa shacabka Falastiiniyiinta, waana xilli qof kasta oo dadka Gaza ka mid ah uu waayay dhammaanba wixii uu haystay.
Tani waxay imaanaysaa, iyadoo ay laba cisho uun ka harsan tahay, xilliga uu bilowday dagaalka Gaza, mana jirto meel nabdoon oo Gaza ku taala oo hartay, marka aad eegto in Israel ay garaaceyso bugcad kasta oo Gaza ah.
Duulaanka Israel ee Gaza ayaa gobolka ka abuuray dareen xun, waxaana laga cabsi qabaa in dagaalka Gaza uu horseedo dagaal goboleed.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa maanta sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay Israel dishay 41,825 qof, 96,910 kalena ay dhaawacday, kuwaa oo dhammaantood dad rayid ah, una badan haween iyo carruur.
Xadgudubyada joogtada ah Israel ee ka dhanka ah shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka ayaa keentay in si aan horey loo arag loogu cambaareeyo.