Home Wararka Maanta Militariga iyo Macawiisley oo weerar ku ekeeyay Shabaabka Geelgub

Militariga iyo Macawiisley oo weerar ku ekeeyay Shabaabka Geelgub

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka oo taageerayo ka helaya Macawiisleyda ayaa saaka weerar ku qaaday maleeshiyada Al Shabaab ee dhawaan soo gashay deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Geelgub oo hoostagta Degmada Cadale ayaa waxay ka timid tahay deegaanadii ugu dambeeyay ee gobolkaasi ee ay Al Shabaab qabsatay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ay weerareen fariisimo ay Al Shabaab ka sameysatay afaafka hore ee deegaankaasi, weerarkuna uu isku bedelay dagaal culus.

Saraakiisha Ciidamada ayaa laga soo xigtay in ciidanku ay dagaal ku galeen deegaankaasi, haddana ay baacsanayaan firxadka kooxihii argagixisada.

Warbaahinta Qaranka ayaa sheegtay in Ciidamada Qalabka Sida ay hawlgal ka wadaan duleedka deegaankaasi, isla-markaana uu jiro khasaare xoogan oo lagu gaarsiiyay sida ay tebisay maleeshiyaadka Khawaarijta.

Warbaahinta ayaa fahamsan in ciidamadu ay weerareen deegaankaasi, ka dib dhowr jeer oo maalmihii u dambeeyay xagga cirka laga garaacay maleeshiyada.

Haddii ciidamadu ay si buuxda ula wareegaan Geelgub ayaa waxay culeyska ka yareyn doontaa deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo labadii sano ee u dambeysay laga ilaalinayay amniga Degmada Cadale.

Shabaabka ayaa bishii February cueys xoog leh soo saaray deegaanadii xorta ahaa ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, maalmo yar uun ka dib, markii uu gobolkaasi ka bilowday wejiga labaad ee hawlgalka dalka looga saarayo.

Al Shabaab ayaa si la yaab leh isugu soo ballaarisay bariga gobolkaasi, iyadoona weeraradii ay toddobaadyadii la soo dhaafay ka gaysaneysay uu si guud u saameeyay wejiga labaad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka oo horaan laga bilaabay labada gobol ee Hirshabelle.

Al Shabaab ayaa kororka weeraradeeda Gobolka Shabellaha Dhexe ka lahayd hadaf ah, si ay ugu difaacato gacan ku haynta deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabelle oo muddo dheer ka arrimineysay.

Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaad hadda mooddaa in ay wax ka bedeleen xaaladdii cakirneyd ee ka jirtay gobolkaasi, ka dib markii ay ciidamadu xoojiyeen weeraradooda ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Somaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa leh “Subaxdii shanaad oo xiriir ah ayaa saaka geesiyaasha qaranka iyo halgameyaasha deegaanku weeraro ku ekeeyeen Khawaarijta isku soo maqiiqday Hirshabelle. Waxaa u dambeeyay saaka oo Geelgub lagu galay, laguna laayay.”

Ciidamada ayaa waxay Isniintii la wareegeen gacan ku haynta Degmada Ruunirgood, iyagoo isku fidinaya xuduudda Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc