Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee labada dacal ka jooga deegaanka Jicibow ayaa gurmad ka helaya deegaanada kale ee bariga Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa gurmadka xoogiisa ka helaya deegaanada hoostaga Degmooyinka Buuloburde iyo Halgan, si loo xoojiyo gulufka ballaaran ee lagu qabanayo deegaanka Jicibow oo dhaca bariga Webiga Shabelle.
Gurmadka ayaa gaaraya jiidda hore, xilli labada ciidan ay Jimcihii maleeshiyada Al Shabaab dagaal culus kula galeen inta u dhaxeyso dhulka hawdka ee u dhaxeeya deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow. Sabtidii dagaalo goos goos ah ayaa laga soo sheegay in ay ka dhaceen aagaggaasi.
Habeen hore diyaarado aan duuliye lahayn ayaa duqeeyay difaacyada ay maleeshiyada Al Shabaab ka difaacayaan deegaanka Jicibow oo saaran qarka webiga.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa laba jiho kaga sii siqaya Jicibow, oo hadda ay ciidamadu diiradda saarayaan, sidii Shabaabka looga saari lahaa.
Ciidamada ayaa Jicibow ka jooga dhanka hawdka ee Beera-yabaal iyo dhinaca kale ee duleedka Degmada Halgan.
Shabaabka ayaa sameynaya iska caabin ay ku doonayaan inay ku difaacdaan deegaankaasi, haddii uu yahay kan ugu weyn ee ay haatan ka joogaan bariga gobolkaasi.
Weerarka ay ciidamadu ku hayaan Jicibow ayaa laga dareemay deegaanada ka fogfog, waxaadna arkaysaa in Saraakiisha Ciidamada ay halkaasi gaynayaan ciidamo fara-badan.
Jicibow ayaa ah furinta ugu weyn ee dagaalka ka soconaya bariga gobolkaasi ee Shabaabka looga sifeynayo hareeraha webiga.
Dhanka kale dhallinyaro is xilqaamay ayaa shalay deeq gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ee labada daraf ka joogo Jicibow.
Dhallinyaradan oo ah dhallinta Degmada Halgan ayaa raashiin gaarsiiyay ciidamada, si ay garab istaag ugu muujiyaan, isla-markaana ay ugu daydaan bulshada kale ee gobolka.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye oo wax ka hoggaaminaya hawlgalka ayaa sheegay in dagaalku uu sii socon doono.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo ku sugan jiidda hore ayaa isna sheegay in hawlgalkoodu uu geba-gabo marayo.