Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo fara-badan lagu soo daadiyay dhulka buuraleyda ee u dhaxeeya Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan, iyadoo dagaal culus lagu hayo maleeshiyada Al Shabaab ee habeenkii Axadda qabsatay deegaanka Aboorey.
Aboorey oo hoostagta Degmada Buuloburde ayaa xiisad ka abuurtay bariga Gobolka Hiiraan, iyadoona ay Dowladda Federaalka bilowday abaabul xoog leh oo maleeshiyada lagaga saarayo deegaankaasi.
Saraakiisha Militariga Somaliya ayaa fahamsan in Al Shabaab ay dooneyso inay deegaankaasi uga gudubto deegaanka kale ee Yasooman, si ay maleeshiyadeeda ula wareegaan waddada xiriirisa Yasooman iyo Degmada Maxaas.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa goor sii horreysay xoojiyay difaaca ciidamada ku sugan Yasooman, si aanay wax Shabaab ahi ugu soo firxan dhulka buuraha ah ee dhaca Yasooman.
Wararka ayaa sheegaya in heegan la geliyay ciidamadii horey ugu sugnaa deegaanada Waabweyn iyo Xalaaley, ka gadaal markii ay soo baxeen warar sheegaya in Al Shabaab uu gurmad cusub uga yimid galbeedka Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka soo gudbeen deegaanka Jicibow.
Waabweyn iyo Xalaaley ayaa ka mid ah goobaha ay ciidamadu ka ilaaliyaan amniga waddada Halgan iyo Buuloburde, waxaana sanadahan ka hawlgalayay ciidamo u badan kuwa Macawiisleyda.
Ciidamada ayaa xitaa lagu arkayaa aagga Buurta Wareertire oo dhacda inta u dhaxeyso Buuloburde iyo Halgan, waxayna saaran tahay waddada dheer ee laamiga ah ee xiriirisa min Buuloburde illaa Beledweyne.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegaya in uu ka feejigan yahay suurtagalnimada in Shabaabka guur-guura ay soo geli karaan dhulka buuraleyda ee ku teedsan waddada laamiga.
Shabaabka oo ku soo laabta buuraleyda halkaasi ku yaala ayaa waxay caqabad ku noqoneysaa isu socodka waddadan, oo ah mid ka mid ah waddooyinka loogu adeegsiga badan yahay ee gobolkaas.
Villa Somalia iyo Taliska Militariga ayaa la aaminsan yahay in ay qabaan dareen ku saabsan in Shabaabku ay bariga gobolkaasi ka gaysan karaan weeraro la mid ah, kuwii ay dhawaanahaanba ka gaysanayeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.
Dadka deegaanka ayaa xusuusan in ku dhawaad saddex sano ka hor si dhib badan maleeshiyada Al Shabaab looga saaray dhulka buuraha ee ciidamada lagu arkayo, waana waxa hadda laga gaashaamanayo.
Militariga ayaa ku dadaalaya, sidii aanay Shabaabku isugu soo fidin lahayn bariga gobolkaasi, haddii ay dib-u-dhac kale ku keenayso qorshihii muddada la soo karkarinayay ee looga saarayay deegaanada Hirshabelle.
Ciidamada Qalabka Sida oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee la abaabulay ayaa weerar culus ku haya Shabaabka habeeno ka hor soo galay deegaanka Aboorey, iyadoo laga hortagayo fursadda ay weeraro cusub kaga gaysan karaan gobolkaasi.