Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qaaday tallaabo kale oo lagu xoojinayo cadaadiska lagu hayo maleeshiyada Al Shabaab ee ku go’doonsan deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamadii ilaalinayay amniga waddada xiriirisa Magaalooyinka Buuloburde iyo Halgan ayaa waxay qaybtood u soo dhaqaaqeen dhinaca deegaanka Aboorey, iyaga oo waddada uga soo degay jidcaddayaasha iyo waddooyinka kaloo yaryar ee qarda-jeexa ah ee jihada koonfureed looga soo galo deegaankaasi.
Ciidamadan oo roondo ku sameeyay waddada ayaa la sheegaya in ay dusha ka mareen Aboorey, isla-markaana ay u sii gudbeen dhinaceeda galbeed, si ay u xaqiijiyaan inaanan halkaasi laga soo geli karin Aboorey. Aboorey oo galbeedkeeda uu maro Webiga Shabelle ayaa waxaa u dhaxeeya dhul u badan lama deggaan ah, waana sababta ciidamada halkaasi loogu diray, si ay heegan ugu ahaadaan, ugana ilaaliyaan xubnaha Shabaabka ahi ee soo gurman kara.
Ciidamadan ayaa taageeraya ciidamadii kale ee xiray waddooyinka kale ee soo gala deegaankaasi, sida militariga oo Aboorey ka soo xiray dhinaca bari oo Yasooman ka xigto iyo Macawiisleyda oo ka xiray jihada waqooyi, iyagoona saldhigtay waddada sida tooska ah u tagto hawdka deegaanka Beera-yabaal.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda bannaanada ka soo xiray Aboorey ayaa waxay la hawlgalayaan ciidamada kale ee mid ka mid ah xaafadaha Aboorey ku go’doomiyay maleeshiyada Al Shabaab.
Dhanka kale waxaa jira diyaarado drones ah oo mararka qaarkood ku gaaf-wareegaya dhulka hawdka iyo waddooyinka yaryar ee ciriiriga ah, si looga hortago isku dayada ay Al Shabaab gurmadkeeda ku soo gaarsiin karto Aboorey.
Wararka ayaa sheegaya in Taliska Militariga Somaliya uu dareensan yahay in Shabaabku ay isku dayi karaan wax kasta oo culeyska ay kaga qafiifin karaan maleeshiyadooda aan meelna uga dhaqaaqi karin godadka ay ka dhex qoteen gudaha Aboorey.
Taliska Militariga ayaa dadaal badani ku bixinaya in maleeshiyada ay sii wajahdo cadaadiska xoogga leh ee saaran, illaa laga soo afjarayo, haddii ay noqoto in la laayo amaba ay go’aansadaan in ay isa soo dhiibaan.
Maleeshiyadan ayaa bilowgii gurmad xoojin ah ka heleysay dhinaca deegaanka Jicibow ee dhaca hareeraha jiinka webiga, iyadoo marinka ugu weyn ee la adeegsanayana uu ahaa hawdka Beera-yabaal, taasoo hadda aan shaqeyneyn.
Ciidamada ayaa xaafad qura isugu geeyay Shabaabka Axaddii la soo dhaafay soo galay Aboorey, oo hadda ka dhex dagaalamaya godad ay halkaasi ka qoteen iyo weliba dhismaha Masaajid meesha ku yaala.
Marka aad milicsato xaaladda goobta ka jirta, suurtagal ma ahan in maleeshiyadan ay hesho nooc kasta oo gurmad dibadda ah, haddii aanu Taliska Ciidanka Xoogga Dalka u ogolaanin waddo ay ku carari karaan.
Ma cadda waxa uu ku dambayn doono masiirka maleeshiyadaasi, waxaase la wada eegayaa, waxa ka soo kordha xaaladda ka taagan deegaankaasi oo dagaalka ka socdo uu maanta galay maalintii shanaad. Dagaalka ayaa tan iyo Talaadadii si xiriir ah uga socdo deegaankaasi. Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda ayaana weerar culus ku qaaday Shabaabkii qabsaday Aboorey, ka dib wax ka yar 48 saac oo deegaankaasi ay haysteen.