Home Dhacdooyin Mucaaradka oo la wareegay Caasimadda Dimishiq

Mucaaradka oo la wareegay Caasimadda Dimishiq

by Laacib

Dagaal-yahanada mucaaradka ayaa saaka gudaha u galay Caasimadda Dimishiq, iyadoo Taliska Bashar Al Assad uu u muuqdo mid burburay.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in xoogaga jabhadaha ay gudaha u soo galeen magaalada, xaaladduna ay aad u kacsan tahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mucaaradku ay magaalada ka soo galeen dhinaca Barzeh, ka dib iska horimaad aan buurneyn oo ka dhacay bannaanka magaalada, iyadoona gudaha magaalada laga maqlayo rasaas.

Dagaal-yahanada ayaa bilowgiiba cagta saaray Waddada Naadiga Booliska iyo midda kale ee sida tooska ah u tagto Garoonka Diyaaradaha Dimishiq. Muuqaalo laga soo qaaday garoonkaasi ayaa muujinaya dadka oo ku kala cararaya.

Xoogaga mucaaradka ayaa ku dhawaaqay in ay gudaha ugu jiraan magaalada, iyadoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Ciidamada Dowladda.

Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa laga arki karay Ciidamada Militariga oo qaybtood dibadda uga baxaya magaalada.

Xoogaga mucaaradka ayaa la wareegay Raadiyaha & Telefishinka Qaranka, waxayna isku fidinayaan magaalada.

Xoogagan ayaa Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiinta kale ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan, si loo nabadgeliyo.

Dhanka kale Madaxweyne Bashar Al Assad ayaan la aqoon halka uu ku sugan yahay. Goor sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in uu isaga cararay magaalada, inkastoo ay dowladdiisu beenisay.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa goor dhow daabacday in Madaxweyne Assad uu diyaarad ka raacay Dimishiq, isla-markaana uu aaday meel aan la garaneyn.

13-ka sano ee dagaalka sokeeye ee Suuriya uu socday waa markii ugu horreysay oo mucaaradku ay qabsadan Caasimadda Dimishiq.

Qabshadaha Dimishiq ayaa soo afjareysa xukunka dhowrka iyo kontonka sano ee wiil iyo aabihiis ay ku soo xukumayeen dalkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc