Home Wararka Caalamka Mucaaradka oo sheegay in la ciqaabi doono saraakiishii Bashar Al Assad ee dembiyada gaysatay

Mucaaradka oo sheegay in la ciqaabi doono saraakiishii Bashar Al Assad ee dembiyada gaysatay

by Laacib

Hoggaamiyaha Ururka Hayat Tahrir Al-Sham ahna hoggaamiyaha ugu sarreya ee mucaaradka dalkaasi ayaa sheegay in la ciqaabi doono saraakiishii ku lugta lahayd dembiyada iyo xadgudubyada ka dhacay Suuriya, muddadii uu xukunka hayay Madaxweyne Bashar Al Assad.

Ahmed Al Sharaa oo loo yaqaano (Abu Mohammed Al Jawlani) ayaa sheegay in mucaaradku ay raadin doonaan aargudasho caddaalad ah.

“Waxaan raadin doonnaa saraakiisha sarsare ee militariga iyo kuwa amniga ee ku lugta leh dembiyada dagaal, oo ay ku jiraan kuwa dalka ka cararay.” Ayuu yiri Hoggaamiyuhu.

Hoggaamiyaha ayaa yiri “Kama laba labeen doono inaan la xisaabtano dembiileyaasha iyo gacan ku dhiigleyaasha saraakiisha militariga iyo amniga ee ku lugta leh jirdilka shacabka Suuriya.”

Qoraal uu soo dhigay Telegram-ka ayuu ku sheegay in ay soo saari doonaan liiska saraakiisha ku lugta leh dembiyada ka dhacay dalkaasi, sida uu yiri.

Al Jawlani ayaa xusay in la cafin doono oo keliya saraakiisha lagu khasbay inay xadgudubyada gaystaan iyo kuwa kale ee aan gacmahooda ku wasaqeyn sida uu yiri dhiigga dadka Suuriya.

Dowladdii Madaxweyne Bashar Al Assad ayaa ku lug lahayd xasuuq iyo jirdil joogta ah oo loo gaysanayay maxaabiista siyaasadeed iyo cid kasta oo dhalleeceysa dowladdaasi.

Xabsiga weyn ee Sednaya ee duleedka Magaalada Dimishiq ayaa caan ku ahaa xadgudubyada ka dhanka ah bani’aadantinimada iyo goob lagu dhibaateeyo maxaabiista.

Madaxweyne Assad ayaa Axaddii isaga cararay dalka Suuriya, ka dib 24 sano oo dalkaasi uu xukumayay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc