Xoogaga mucaaradka ee dalka Suuriya ayaa dagaal culus kaga soo gudbay fariisimihii ay Ciidamada Dowladda ku lahaayeen bariga iyo waqooyiga ee Magaalada Homs, ka dib saacado ay ku hareereysnaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan ay jiireen dhufeysyadii adkaa ee ay Ciidamada Dowladda ka sameysteen dhanka waddada ka timaada Magaalada Hama, oo Khamiistii u gacan gashay kooxaha fallaagada.
Warbaahinta caalamiga ah iyo tan gobolka ayaa warineysa in Xoogaga Ururka Hayat Tahrir Al-Sham ay gacanta ku dhigeen xero ciidan oo ciidamada dalkaasi ay lahaayeen, isla-markaana ay u muuqdaan kuwo dagaalka ku qabsanaya Homs.
Telefishinka afka dowladda ku hadla ayaa beeniyay in dagaal-yahanada abaabulan ay gudaha u soo galeen magaalada, balse ay weli ku sugan yihiin duleedkeeda.
Telefishinka ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka iyo ciidanka madaadiicda goobta ay garaacayaan aagagga ay ku sugan yihiin kooxahaasi.
Saraakiisha horkaceysa hawlgalka ka dhanka ah Dowladda Bashar Al Assad iyo ilo kaloo amni ayaa laga soo xigtay in Militariga Suuriya ay bilaabeen inay u ruqaansadaan dhinaca Caasimadda Dimishiq.
Haddiiba mucaaradka ay si buuxda ula wareegaan Homs waxaa iska cad inaysan ka laba labeen doonin inay weeraraan Dimishiq, oo ah difaacii ugu dambeeyay ee nidaamka Bashar Al Assad, inkastoo weli ay ciidamadiisa gacanta ku hayaan magaalooyinka dhaca Badda Mediterranean-ka ee Latakia iyo Tartus, oo ay ku badan yihiin bulshada Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Madaxweyne Assad.
Xoogaga Sunniyiinta ee kacdoonka sameynaya ayaa si aan horey loo arag isugu ballaarinaya dalkaasi, taasoo noqoneysa guuldaradii ugu weyneyd ee uu la kulmo Madaxweyne Assad, ka dib 24 sano oo dalkaasi uu ka arriminayay.
Tan iyo markii fallaagadu ay toddobaadkii la wareegtay Magaalada Aleppo, difaacyada Ciidamada Dowladda ayaa noqday kuwo si degdeg ah u burburaya, iyadoo ayna mucaaradku qabsadeen magaalooyin waaweyn oo muhiim u ahaa dowladda.