Waxaa maanta ku eg muddada halka toddobaad ah ee Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu cafiska ugu fidiyay dadka ku sugan Magaalooyinka Puntland ee gacan saarka la leh Daacishta Somaliya.
Waqtiga cafiska oo ka bilaabanayay Jimcihii ayaa ku eg Khamiistan, iyadoona loo bandhigay in ay ka faa’iideystaan dadka aan ku sugneyn furimaha dagaalka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa 27-kii bishii February sheegay in cafisku uu khuseeyo dadka ku sugan magaalooyinka ee si uun ula shaqeeya Daacish. Madaxweyne Deni ayaana sheegay in dadkaasi ay isugu jiraan odayaal, culimo, ganacsato iyo qaybaha kale ee bulshada.
Madaxweyne Deni ayaa ku hanjabay in maamulku uu qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan oo ka dhan ah dadkaasi, haddii aysan ka faa’iideysan fursadda ay cafiska ku heli karaan.
“Waxaan rabaa inaan ugu baaqo muddo toddobo cisho ah inay laamaha amniga la soo xiriiraan, inay howshaasi ka baxeenna ay caddeeyaan. Liisaskooda waan haynaa, magacyadoodana waan haynaa. Toddobo berri gudahood ciddii ku imaan weydo, dowladda tallaabo sharci ah ayay ka qaadi doontaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.
Waxaa jira dadka qaar oo ka faa’iideystay fursadda cafiska oo la soo xiriiray hay’adaha ammaanka, sida uu sheegay Taliska Ciidanka Difaaca Puntland.
Cid kasta oo ay ka go’an tahay in ay ka tanaasusho fekerka khalafsan ee Daacishnimada, kuna sugan magaalooyinka ayaa ka faa’iideysan karta saacadaha ka harsan muddada la ogolyahay in ay kula soo xiriiri karaan laamaha amniga.
Dhanka kale Taliska Ciidanka Puntland ayaa xalay sheegay in tan iyo markii uu bilowday wejiga saddexaad ee hawlgalka ciribtirka Daacish ay ciidamadu soo xireen dad lagu eedeeyay ka mid ahaanshaha, dhiirigelinta iyo taageerada kooxaha argagixisada.
Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in dadkaasi ay wajihi doonaan sharciga, iyadoona uu shacabka ugu baaqay inaysan ka hordhicin natiijada baaritaanada socda, isla-markaana ay ka fogaadaan wararka aan la xaqiijin ee la xiriira kiisaska argagixisada.
“Eedeysaneyaasha la qabto waxay wajihi doonaan sharciga, waxaana loo gudbin doonnaa maxkamadaha awoodda u leh, si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto. Waxaa muhiim ah in la ilaaliyo habraacyada sharciga iyo caddaaladda, inta lagu guda jiro geeddi-socodka baaritaanka iyo maxkamadeynta.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ciidanka Puntland ayaa guulo is daba joog ah ka gaaraya hawlgalka ciribtirka ee maleeshiyada Daacish lagaga suulinayo dalka. Tani ayaa quus gelinaysa cid kasta oo ka rajo qabtay in Daacish ay sii joogi doonto deegaanada Puntland.