Home Wararka Caalamka Muhammad Yunus oo ka degay Bangladesh, si dowlad kmg ah u hoggaamiyo (SAWIRRO)

Muhammad Yunus oo ka degay Bangladesh, si dowlad kmg ah u hoggaamiyo (SAWIRRO)

by Laacib

Muhammad Yunus ayaa Khamiistan ku laabtay dalka Bangladesh, si uu u hoggaamiyo dowlad ku-meel-gaar ah, ka dib markii Isniintii ay xilka iska casishay, dalkana isaga carartay Sheikh Hasina.

Haweeneydan oo muddo 15 sano ah ka arrimineysay dalkaasi ayaa u carartay India, ka dib toddobaadyo ay dalkaasi hareeyeen dibadbaxyo uu dhiig badani ku daatay, kuna khasbay in ay xafiiska isaga tagto, una cararto Magaalada New Delhi.

Muhammad Yunus ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta loo dhaariyo Raysal Wasaare KMG ah, si loo dejiyo kacdoonka ay ardaydu hoggaamineyso ee dalka gilgilay.

Madaxweynaha Bangladesh, Mohammed Shahabuddin ayaa mar sii horreysay kala diray Baarlamaanka, iyadoo la fulinayo codsiga ardayda, ee ah in la soo dhiso dowlad kmg ah oo madax uu ka yahay Mohammed Yunus, oo horey ugu guuleystay Billadda Nabadda ee Nobel Peace Prize.

“Waa wax wanaagsan in aan ku soo laabto dalka.” Ayuu yiri Muhammad Yunus, ka dib markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Hazrat Shahjalal ee Dhaka, duulimaad ka yimid Magaalada Paris, halkaas oo uu marti ugu ahaa ciyaaraha Olympicada adduunka.

Dhaqaale-yahanka 84 jirka ah ayaa wajahaya howl adag, oo ay ugu horreyso in dalka uu ka saaro xaaladda hubinti la’aanta ah, isla-markaana uu gaarsiiyo doorashooyin cusub.

Sheikh Hasina ayaa ka tagtay fowdo rabshado wata, carro baahsan oo dalka oo dhan ah iyo hubanti la’aan qoto dheer.

Dibadbaxyadan xukunka lagaga tuuray ayaa waxaa ku dhintay in ka badan afar boqol oo qof, oo u badan dhallinyaradii kacdoonka sameynaysay, sida ay ku warantay Warbaahinta maxaliga.

Dibadbaxyada oo bilowday 16-kii bishii hore ee July ayaa ka dhashay kacdoon ay ardaydu kaga soo horjeesteen xeer dowladda ka soo baxay, oo dhigayay in soddon boqolkiiba (30%) shaqooyinka ka bannaan dowladda la siiyo qoysaska iyo ehelada dadkii ka qaybgalay dagaalkii uu dalku kaga go’ay dalka Pakistan ee dhacay sanadkii 1971-kii.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc