Home Dhacdooyin Musharaxa is bedeldoonka Iran oo ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi

Musharaxa is bedeldoonka Iran oo ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi

by Laacib

Musharaxa is bedeldoonka Iran ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaasi, ka dib doorasho ku celis ahayd oo Jimcihii laga qabtay dalkaasi.

Masoud Pezeshkian ayaa tartanka doorashada kaga adkaaday Saeed Jalili, oo ah musharax taageero weyn ka haystay Hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iran ayaa Sabtidan ku dhawaaqday in Masoud Pezeshkian uu ku guuleystay doorashada madaxtooyada.

“Wuxuu helay inta badan codadkii la dhiibtay Jimcihii. Pezeshkian wuxuu noqonaya Madaxweynaha xigga ee Iran.” Ayay tiri wasaaraddu.

Pezeshkian ayaa helay codad dhan 16.3 milyan oo cod, halka Saeed Jalili uu isna helay 13.5 milyan oo cod, waxayna Wasaaradda Arrimaha Gudaha sheegtay in dalka oo dhan ay ka codeeyeen 30 milyan oo qof.

Pezeshkian ayaa ku guuleystay 53.7 boqolkiiba codadkii la dhiibtay, halka musharaxii kale ee la tartamayay uu helay 44.3 boqolkiiba.

Ka dib ku dhawaaqistiisii, Pezeshkian ayaa u mahadceliyay kuwa u codeeyay in dalka laga samatabixiyo go’doonka siyaasadeed ee uu wajahayo.

“Waxaan u fidin doonnaa gacan saaxiibtinimo qof walba. Waxaan nahay dhammaanteen dadkii dalkan, waa inaan qof walba u adeegsanaa horumarka dalka.” Ayuu yiri Madaxweynaha cusub oo khudbaddiisii ugu horreysay ka jeediyay Telefishinka Qaranka.

Waxa uu ballanqaaday in Iran uu u furi doono dunida inteeda kale, shacabkana uu ku hoggaamin doono xorriyadda ay muddada dheer ku taamayeen.

Taageereyaashiisa ayaa isugu soo baxay waddooyinka Caasimadda Tehran iyo magaalooyinka kale ee dalkaasi, si ay ugu dabaaldeggaan is bedelka taariikhiga ah.

Pezeshkian waa nin aan aad looga garaneyn siyaasadda Iran, waana dhakhtar 69 jir ah oo ku takhasusay qaliinka wadnaha.

Doorashadan ayaa daba socotay middii dalkaasi laga qabtay 28-kii bishii hore ee June, ka dib markii dhowr musharax oo ku tartameysay aanu midkoodna helin codadkii ay u baahnaayeen.

Doorashadan oo ahayd mid waqtigeeda laga soo hormariyay ayaa loo baahday in dalka laga qabto, ka dib shilkii diyaaradeed ee bishii May uu ku geeriyooday Madaxweyne Ebrahim Raisi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc