Mareykanka ayaa ku wargeliyay dhammaan muwaadiniintiisa ku sugan dalka Suuriya in ay si degdeg ah uga baxaan dalkaasi, sababtu tahay xaaladda ka sii dareysa ee dalkaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in xaaladda Suuriya ay ku sii socoto meel aan la saadaalin karin, sidaasi daraadeedna ay tahay in muwaadiniintooda ay isaga baxaan dalkaasi, inta ay jiraan fursadaha duulimaadyada ee la heli karo.
“Xaaladda ammaanku waxay sii socotaa mid aan xasillooneyn oo aan la saadaalin karin, iyadoo ay jiraan iska horimaadyo firfircoon oo u dhaxeeya dhinacyada hubeysan ee dalka oo dhan.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay “Wasaaraddu waxay ku boorineysaa muwaadiniinta Mareykanka inay hadda ka baxaan Suuriya, iyadoo fursadaha ganacsi ay weli jiraan.”
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka waxay sheegtay in muwaadiniinta doorta inaysan bixin ama aan awoodin inay hadda dalka ka baxaan ay diyaarsadaan qorsheyaal degdeg ah, oo haddii ay xaaladda xumaato ay uga bixi karaan dalkaasi.
Xaalad jahwareer badan ayaa ka jirta dalka Suuriya, ka dib markii kooxaha la dagaalamaya dowladda ay 27-kii bishii November bilaabeen inay duulaan ballaaran ku qaadaan dhulka ay ku sugan yihiin ciidamada ka soo horjeeda.
Kooxaha fallaagada oo xawaare sare ku socda ayaa u muuqdo kuwa wiiqaya nidaamka dalkaasi ka jira ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Bashar Al Assad.
Dardarta ay ku socdaan ayaa ka yaabisay dunida, waxaana la is weydiinayaa halka ay mucaaradku ka keeneen awooddan xad dhaafka ah iyo hubka casriga ah ee ay wataan.
Khubarada amniga ayaa ka digaya in mucaaradku ay haadaan ka tuuri karaan dalkaasi, haddii ay si khaldan u adeegsadaan awoodooda.
Kooxaha jabhadaha ayaa la sheegaya in ay ka mideysan yihiin in la rido dowladda dalkaasi, balse baqdinta ugu weyn ee jirta ay tahay halka looga dhaqaaqi doono, haddii 24 sano ka dib la soo afjaro xukunkii Madaxweyne Assad, waana sababta looga digayo inaanu kala caddeyn masiirka Suuriya.