Home Wararka Maanta Nabadoon Qaansaweyne oo baaq u diray dadka reer Hiiraan ee ka walaacsan hawlgalka

Nabadoon Qaansaweyne oo baaq u diray dadka reer Hiiraan ee ka walaacsan hawlgalka

by Laacib

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ahna Afhayeenka Golaha Dhaqanka ee Degmada Buuloburde ayaa farriin u diray dadka gobolkaasi qaybtood ee walaaca ka muuqanaya hawlgalka dib-u-xoreynta gobolka.

Nabadoon Cali Cumar Qaansaweyne ayaa marka hore bogaadiyay hawlgalka ay iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee deegaanka ee u istaagay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Waxa uu Dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka ee hawlgalkan u taagan ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursadda ay maanta haystaan, taas oo sida uu sheegay aan mar walba la helin.

Waxa kaloo uu sheegay in maanta aysan jirin ciidan la’aan, haddii ay noqoto dhanka dowladda iyo dadka deegaanka labadaba, isla-markaana aysan dayacin fursadda loo haysto in lagu xoreeyo gobolka.

“Caqliga bani’aadamka ma sina, ficilkiisa iyo waxqabadkiisuna ma sina oo qayb kasta ayaa laga helaa, shacabka u diyaar ah inay falgalaana laga faa’iideysto, waana bogaadinayaa.” Ayuu yiri Nabadoon Cali Cumar.

Nabadoonka ayaa yiri “Dadweynaha waxaan leeyahay fursadda mar walba lama wada helo, waqti baa la helaa dhif ah, war inta la idiin garab taagan yahay oo wax walba la helayo oo dowladda idiin la garab taagan tahay ka faa’iideysta. Ha fiirinina barkood oo fiirada u baahneyn, ha fiirinina.”

Waxa sidoo kale uu yiri “Waxaa la idiinka rabaa inaad ka daba tagtaan oo u xoog dhameysataan, geedaha ugu gashaan, gudbisaan Khawaarijta meelaha ay joogaan, dadka ay ku dul fadhiyaana si aad ah oo wanaag badan ula dhaqataan, la fariisataan, una sheegtaan inaad ku soo sinteen, waxaad qabateen waxooda kalee qabanayaane walaalnimo iyo baal wanaagsan inaad tustaan ayaa la idiinkaga baahan yahay.”

Nabadoon Qaansaweyne ayaa sheegaya inaysan jirin sabab ay dadka gobolka qaarkood uga hor iman karaan amaba ay walaac uga muujin karaan hawlgalka lagu qabanayo dhulka ay Shabaabku ka maamulaan gobolkaasi.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in dadka reer Hiiraan ay ka wada siman yihiin dhibaatada ay ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab, ayna tahay in si wadajir ah loo garab istaago ciidamada, si buuxdana loo taageero hawlgalka.

“Walaalayaalow idiinkoo si kale wax u arkin, isku aragti ayaan nahay, isku xanuuna waan nahay, dhalyaduna waa naga dhaxaysaa, idinkuna hadda shirko lama tihiin, annaguna shirko lama nihin. Waxaa xaqiiqo ah waxaan aragnay inaad soo aragteen, waxaana idiinku bogaadinaynaa ama aan idiinka codsanaynaa ciidamadu way idiin imaanayaanee, sidaan ula dhaqanay inaad ula dhaqantaan. Waan idiin garab taaganahay, waxaana idiinku garab taaganahay dulmi maahee, walaalnimo iyo gacal wanaagsanaa idiinku garab taaganahay.” Ayuu yiri Nabadoon Qaansaweyne.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Macawiisleyda ee haatan hawlgalka ka wada deegaanada bariga ee Webiga Shabelle ayaa la sheegay in ay ku wajahan yihiin daanta galbeed ee webiga ee galbeedka gobolka, halkaas oo Shabaabku ay gacanta ku hayaan.

Beelaha galbeedka qaar ka mid ah ayaa dareen ka muujiyay Macawiisleyda lagu abaabulay bariga gobolka ee qaybta ka ah hawlgalka, iyagoona u arka maleeshiyaad ay cid gaar ahi leedahay. Siyaasiyiin iyo odayaal u hadlay beelaha galbeedka qaarkood ayaa ka digay in dadkooda loo beegsado qaab qabiil, waana waxa uu baaqa ka soo saaray Nabadoon Qaansaweyne, una sheegayo in Shabaabka oo la iska dulqaadaa ay cid kasta dan ugu jirto.

Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa sheegay in Somaliya aysan maanta lahayn cadow aan Shabaab ahayn.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, S/guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo wax ka hoggaaminaya hawlgalkan iyo Saraakiisha kale ee militariga ayaa sheegay inaanu dagaalka istaagi doonin, iyadoo aan Shabaab la wiiqin.

Villa Somalia iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa leh abaabulka hawlgalkan iyo qorshaha lagu xoreynayo dhulka ka maqan gacanta Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc