Kuxigeenka Hoggaamiyaha Ururka Xisbullah, Naim Qassem ayaa sheegay in Israel ay ogtahay inaysan qaadi karin tallaabo nacasnimo ah oo ka dhan ah Ururka Xisbullah ee Lubnaan.
“Israel waxay si dhab ah u ogsoon tahay inaysan qaadi karin tallaabo doqonimo oo ka dhan ah Xisbullah, haddii kalena waxay la kulmi doontaa dharbaaxooyin waaweyn.” Ayuu yiri Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xisbullah.
Isaga oo ka jawaabaya hanjabaadda ururka uga timid Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayuu sheegay in Netanyahu ay tahay inuu si fiican u fahmo, haddii uu colaadda sii huriyo in maamulkiisu uu geli doono sida uu yiri xaalad nabaad-guur ah.
Waxa kaloo uu sheegay in Israel aysan samayn karin ficilo degdeg ah oo xaaladda ay uga sii dareyso, sababtoo ah buu yiri haddii ay taasi dhacdo, waxay ku bixin doonaan qiimo sare.
“Nidaamkan wuxuu si buuxda uga warqabaa inaysan samayn karin ficilo degdeg ah oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta, sababtoo ah haddii ay taasi dhacdo, waxay ku bixin doonaan qiimo sare.” Ayuu yiri Naim Qassem.
Waxa kaloo uu yiri “Muddo haatan sagaal bilood laga joogo, dhaqdhaqaaqa Xisbullah waxay ku guuleysteen inay dagaalka ku soo koobaan qaab xadidan, halkii ay dagaal weyn la geli lahaayeen cadowga.”
Naim Qassem ayaa intaasi ku daray “Xisbullah waxa ay khasaare weyn u gaysatay cadowga, ha ahaato barakaca ku dhawaad 100,000 oo Israeliyiin ah oo si sharci darro ah lagu deegaameeyay iyo khasaare gaaray militarigooda amaba burbur soo gaaray qalabkiisa iyo dhaqaalihiisa.”
Naim Qassem ayaa ku hanjabay in Xisbullah ay sii wadi doonto weeraradeeda ka dhanka ah deegaanada waqooyiga Israel, illaa iyo inta weerarada gardarrada ah ee lagu hayo dadka reer Gaza iyo go’doominta saaran laga qaadayo.
Xisbullah oo xulafo la ah Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa diidan weerarada cadowtinimada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.
Inkastoo Xisbullah iyo Israel aysan diyaar u ahayn dagaal ballaaran, haddana waxaa kordhaya duqaymaha labada dhinac ee isaga kala gudbaya deegaanada xadka, taas oo keentay cabsi sii kordheysa oo laga qabo inay huriyaan dagaal gobolka oo dhan ah.