Home Wararka Caalamka Netanyahu iyo Trump oo maanta ka wada hadlaya qodobo xasaasi ah

Netanyahu iyo Trump oo maanta ka wada hadlaya qodobo xasaasi ah

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa xalay gaaray Magaalada Washington, isagoona Isniintan kulan kula leh Madaxweyne Donald Trump.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlaya arrimo ay ka mid yihiin xaaladda murugsan ee Gaza, barnaamijka nuclear-ka ee Iran, xaaladda Suuriya oo Israel ay duqaymo ku hayso, taasoo sii hurisay xurgufta kala dhaxeysa Turkiga iyo canshuurta boqolkiiba toddobo iyo toban (17%) ee Madaxweyne Trump uu ku soo rogay badeecadaha laga keeno Israel.

Xukuumadda Netanyahu ayaa wax la yaab leh ku tilmaamtay canshuur kordhinta uu Trump ku sameeyay wax soosaarkooda, xilli ay ku howlaneed inay canshuurta ka deyso badeecadaha Mareykanka.

Arrinta Gaza ayaa ah waxa ugu weyn ee ay ka wada hadli doonaan Trump iyo Netanyahu, ka dib qaylo dhaan xoog leh oo laga muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee Marinka Gaza.

Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala Marinka Gaza ayaa si weyn uga digaya in dadka Gaza ay qarka u saaran yihiin macluul, sababtu tahay Israel oo shan toddobaad ka hor bilowday is hortaageeda ku saabsan gurmadka bani’aadantinimo.

Xayiraadda dhammaan noocyada gargaarka bani’aadantinimo iyo badeecadaha lagama maarmaanka ah ayaa dadka ka reebeysa baahiyaha aasaasiga ah. Gargaarka cuntada ee Gaza ayaa ah waxa ugu weyn ee ay shacabku ku tiirsan yihiin.

Netanyahu ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu horreyay ee ajnabi ah oo mar labaad la kulma Madaxweyne Trump, tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 20-kii bishii January.

Netanyahu ayaa horaantii bishii February booqday dalkaasi, isagoona noqday hoggaamiyihii ugu horreyay ee ajnabi ah ee Trump uu ku qaabilo Aqalka Cad.

Netanyahu ayaa sidoo kale noqonaya hoggaamiyihii ugu horreyay ee horfariista Trump, tan iyo markii uu Madaxweynuhu Arbacadii soo rogay canshuurta dheeraadka ah ee laga qaadayo wax soosaarka dalal badan oo caalamka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc