Waxaa jira walaac xoogan oo laga muujinayo inaanu si dhameystiran u dhaqangeli doonin heshiiska xabad joojinta ee Israel & Xamaas, isla-markaana ay maxaabiista isku dhaafsanayaan.
Wararka ayaa sheegaya in Israel ay xilli kasta jebin karto heshiiska labada dhinac, ayna suurtagal tahay inaanu sii socon karin wax ka badan lix toddobaad oo ku muddeysan wejiga hore ee heshiiska.
Heshiiskan oo saddex weji ka kooban ayay Xamaas iyo Israel ku gaareen dalka Qatar, waxaana laga leeyahay in lagu gaaro hadafka ah in si buuxda loo soo afjaro dagaalka Gaza. Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in wejiga koowaad oo soconaya 42 cisho la isku dhaafsado qaar badan oo isugu jira maxaabiista Falastiiniyiinta iyo Israeliyiinta ee dhinacyadaasi u kala xiran.
Hadalada is burinaya ee ka soo yeeraya Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ee marna uu ku taageerayo heshiiska, marna uu ku durayo ayaa dhaliyay walaaca laga qabo inaanay xabad joojintu sii socon.
Golaha Wasiirada Israel ayaa Jimcihii ansixiyay heshiiskan, waxaana Raysal Wasaaruhu uu sheegay in Israel ay dhankeeda fulin doono heshiiskaasi.
Raysal Wasaaraha ayaa haddana habeenkii Sabtida mar uu khudbad jeedinayay, waxa uu sheegay inaysan ciidamadooda ka soo saari doonin Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor oo ku taalo inta u dhaxeyso Marinka Gaza iyo Masar.
Heshiiska ayaa dhigaya in Ciidamada Israel ay Philadelphi Corridor ka bixi doonaan wejiga labaad ee xabad joojinta.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Isniintii sheegay inaanan la aqbali karin in Xamaas ay sii maamusho Marinka Gaza, isla-markaana ay hubin doonaan in Gaza aanay marnaba khatar amni ku noqonin Israel.
Hadalada Netanyahu ayaa shaki geliyay inuu guuleysto geeddiga nabadda looga dhalinayo guud ahaanba Gobolka Bariga Dhexe, oo ay ugu horreyso Gaza. Xamaas waxay ku baaqday in dunida ay la xisaabtanto Israel, haddii ay ku xadgudubto heshiiska.
Xeel-dheereyaasha ayaa sheegaya in Netanyahu uu u cabsanayo xukunkiisa, taasna ay ku riixeyso inuu carqaladeeyo heshiiska nabadda ee gobolka.
Netanyahu ayaa ka cararaya inay burburto xukuumaddiisan ku dhisan taageerada isbahaysiga midigta fog, oo ku cadaadinaya in dib loo bilaabo dagaalka Gaza.
Wasiirkii Amniga, Itamar Ben-Gvir oo Axaddii is casilay ayaa ku dhawaaqay in Xisbigiisa Otzma Yehudit uu ka baxay isbahaysigii uu la ahaa xukuumadda wadaagga ah.
Ka bixitaanka Ben-Gvir ee xukuumadda ayaan horseedeyn burburka dowladda, balse waxay burburi doontaa, haddii uu ka baxo xisbiga kale ee midigta fog ee National Union–Tkuma, kaas oo uu hoggaamiyo Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich.
Smotrich ayaa Khamiistii waxa uu Netanyahu ka dalbaday inuu ballanqaado in dagaalka dib loo bilaabi doono, marka uu dhammaado wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta, iyadoo aan la sugeyn labada weji ee xiga.
Smotrich ayaa ku hanjabay in ay ridi doonaan xukuumadda, haddii aan la helin ballanqaad ku aaddan in dagaalka uu sii socon doono.
Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda ayaa haatan sheegaya in xisbigiisu uu qayb ka sii ahaan doono dowladda, bacdamaa uu helay sida uu yiri damaanad ah in dagaalku aanu joogsan doonin, iyadoo aan awood ahaan laga adkaanin Xamaas.
Hadalka Smotrich ayaa meesha ka saaraya tallaabadii ay xukuumadda ku ogolaatay heshiiskii xabad joojinta ee ku jiidayay inay soo geba-gabeyso duulaankeedii Gaza, ka dib 470 maalmood oo dagaal la isku riiqmay ah.
Dhanka kale Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobey oo si weyn u soo dhaweeyay heshiiskan ayaa la fahamsan yahay in ay ka soo horjeedaan in la jebiyo.
Kuxigeenka Hoggaamiyaha Xamaas, Khalil Al Hayya ayaa sheegay in ay haystaan damaanad caalami ah oo ku saabsan in heshiisku uu mira-dhali doono.
Mareykanka, Turkiga iyo Masar ayaa horey u ballanqaaday inay xaqiijinta doonaan in heshiiskaasi uu si rasmi ah u shaqeeyo.
Netanyahu ayaa cadaadis kala kulmaya Madaxweyne Donald Trump, kaas oo muujiyay sida ay uga go’an tahay in la soo afjaro dagaalkan.
Trump ayaa sheegay in heshiiska xabad joojinta Gaza, maxaabiistana lagu sii deynayo uu bilow u yahay nabad waarta oo ka dhacda Bariga Dhexe.
Go’aanka Trump ayaa loo arkaa mid Netanyahu iyo xertiisa ka hor istaagi kara inay ka laabtaan heshiiskaasi, si aysan dib ugu soo laba kacleen xiisaddii gobolka.
Xukuumadda Netanyahu ayaa si buuxda u aqbashay heshiiskan, Trump oo aan joogin xafiiska, waxayna dadka qaarkii isweydiinayaan, sida Netanyahu uu ciidamadiisa ugu celin karo dagaalka Gaza, iyadoo Trump uu Aqalka Cad joogo.
Netanyahu ayaa dhinaca kale isku dayaya in uu ka baxsado burbur ku yimaada xukuumaddiisa, si aan dalka looga qaban doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.
Xasilloonida taageerada garabka midigta fog ee xukuumadda ayaa ku xiran in Netanyahu uu jebiyo heshiiskaasi, dibna ay ciidamadiisu u bilaabaan dagaalka, tiiyoo uu dhanka kale culeys weyn ka haysto.
Netanyahu ayaan la garaneyn, sida uu uga xeeladeysan doono xujooyinkan horgudban ee isugu jira calaamadaha isku dhafan.
Trump ayaa dhawaan sheegay in uu doonayo in dunida uu ka dhigo meel ammaan ah, waxaana la xusuustaa in xilligii ololihiisa dib u doorashada uu ballanqaaday in uu soo afjari doono dagaalka Gaza iyo kan Ukraine.
Trump waxaa lagu tilmaamaa hoggaamiye go’aan qaadasho leh, wixii uu ballanqaadana ka dhabeeya.
Ad adeyga Trump iyo qaabka uu bilowgiiba ku wajahay Israel waxay ahayd wax soo jiitay indhaha bulshada caalamka. Trump ayaa Axaddii ku celiyay in isagoo aan xafiiska iman uu ku guuleystay in uu joojiyo dagaalka Gaza, marka uu xafiiska la wareegana uu wax badan qaban doono.
Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa xulafadooda Israel ku dirqiyay in la joojiyo dagaalka, ka hor inta aanu la wareegin xukunka.
Xamaas iyo Israel ayaa 19-kii bishan dhaqangeliyay heshiiska xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga, waana maalin ka hor xafladda caleemo-saarka ee Trump.
Trump ayaa muddo xileedkan wax badan ka bedeli kara siyaasaddii hore ee uu kula dhaqmayay Israel, maadaama uu ogyahay inaanu mar saddexaad ku soo laaban doonin xafiiska. Dastuurka Mareykanka ayaa qeexaya inaanu Madaxweynuhu wax ka badan laba jeer hoggaamin karin dalka.
Si kastaba ha-ahaatee Netanyahu iyo Trump ayaa ah kuwo markan la isku eegayo, waxayna cid kasta isha ku haysaa, waxa uu ku dambayn doono masiirka siyaasadeed ee Netanyahu.
Netanyahu ayaa taagan meel isgoys ah, waana Netanyahu oo diidan in xukuumaddiisu ay dhacdo, isagoo aan haddana si fudud uga gudbi karin dalabka Trump ee la xiriira in la soo afjaro dagaalka, si aysan Israel u lumin taageerada dalka ugu weyn xulafada reer galbeedka ee ka caawiya dhinacyada militariga, maaliyadda iyo siyaasadda arrimaha dibadda.