Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ka laabtay hadalkii dhawaan ka soo yeeray, ee uu ku sheegayay in maamulkiisu uu maamuli doono amniga guud ee Gaza, illaa waqti aan la garanayn, hadalkaas oo ay ka horyimaadeen xulafada Israel.
Raysal Wasaaraha ayaa hadda sheegaya in Israel aysan doonayn inay qabsato Marinka Gaza amaba maamusho, marka uu dhammaado dagaalkan ay kula jiraan Ururka Xamaas.
“Ma doonayno inaan qabsano Gaza, ma doonayno inaan la wareegno, mana doonayno inaanu maamulno Gaza.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha oo wareysi siinayay Warbaahinta Fox News.
Isagoo sii hadlayay ayuu yiri “Israel waxay u baahnaan doontaa inay xaqiijiso weerar la mid ah kii 7-dii October oo Xamaas ay ku dishay 1,400 oo qof aanu dib dambe u dhicin.”
Waxa uu sheegay in Israel ay u baahnaan doonto xogo sirdoon, si ciidamadeeda ay gudaha ugu galaan Gaza, ayna uga hortaggaan haddii ay soo baxaan sida uu sheegay khataraha mintidiinta.
“Waa inaanu helnaa ciidan diyaar ah oo haddii loo baahdo geli doona Marinka Gaza, waxna ka qabta gacan ku dhiigleyaasha, maxaa yeelay taasi waxay ka hortageysaa dib u soo laabashada urur Xamaas oo kale.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Isniintii sheegay in Israel ay damaanad ahaan ula wareegi doonto amniga guud ee Marinka Gaza, si ay u fashiliso weerarkii 7-dii October oo kale.
Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa ka horyimid qorshaha Netanyahu, oo loo arkay mid ay Israel dib ugu soo cusbooneysiinayso haysashadeedii Gaza.
Diidmada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa Tel Aviv ka hor istaagaya in dhowr iyo toban sano ka dib ay dib ula wareegto gacan ku haynta Gaza.
Ciidamada Israel ayaa bishii September ee sanadkii 2005 isaga wada baxay Marinka Gaza, ka dib ku dhawaad 40 sano oo ay xoog ku joogeen.