Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar kale ku hanjabay in maamulkiisu uu sii wadi doono ololaha militari ee xididada loogu siibayo sida uu sheegay Ururka Xamaas.
Raysal Wasaaraha ayaa ku goodiyay in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta laga xaqiijinayo yoolasha Israel ee dagaalkan.
Netanyahu ayaa soo cusbooneysiiyay hanjabaaddiisii ahayd in Xamaas ay gaarsiin doonaan heer aysan khatar ku ahayn sida uu yiri amniga Israel.
Israel ayaa Marinka Gaza ugu duushay, sidii loo wiiqi lahaa awoodda militari ee Xamaas, dib u soo celinta la haysteyaasha Israeliyiinta iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqon Israel.
Sagaal bilood oo dagaalku uu socday, Israel ayaan illaa iyo hadda xaqiijin ujeedooyinkii ay ciidamadeeda u weerareen Gaza, waana sababta uu Netanyahu ugu hanjabayo in dagaalka aan la joojin doonin, illaa iyo inta ay ka gaarayaan hadafkooda.
Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in Tel Aviv aysan qaadan doonin wax aan guul ahayn, xoog-na ay ku soo furan doonto la haysteyaashii ay kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta ku qafaasheen weerarkii 7-dii October.
Netanyahu ayaa riixaya in la sii wado dagaalka, xilli ay soo xoogeysanayaan wararka sheegaya in ay kordheyso qaylo dhaanta ka soo yeereysa ciidamadooda ka dagaalamaya Marinka Gaza. Ciidamada ayaa la sheegaya in ay dalbanayaan in laga soo saaro xaalad aysan xamili karin, oo sida laga soo xigtay ay dhexda kaga jiraan.
Netanyahu ayaa warkan ku dhawaaqay, iyadoo gudaha Israel ay ka soconayaan dibadbaxyo lagu diidan yahay dagaalkan, laguna dalbanayo in maamulku uu heshiis la galo Xamaas, si la haysteyaasha ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, iyagoo badqaba.
Netanyahu ayaa iska indha tiraya cadaadiska ka haysta shacabka Israel, si uu u fuliyo dalabaadka siyaasiyiinta xisbiga midigta fog ee wax ka soo dhisay xukuumaddiisa ee diidan in dagaalka la soo afjaro.
Siyaasiyiinta mayalka adag ayaa ku hanjabay in ay isaga bixi doonaan xukuumadda wadaagga ah, haddii Netanyahu uu qaato wax aan ahayn in la burburiyo Xamaas.
Warka Netanyahu ee ku saabsan in dagaalka la sii wadi doono ayaa ka hor imanaya qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee la meelmariyay bishii June, laguna dalbanayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza.
Dagaalkan ayaa intii uu socday waxa ay Ciidamada Israel Marinka Gaza ku dileen 37,900 oo qof oo dad rayid ah, halka 87,060 kalena ay ku dhaawaceen.