Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa sheegay in ay si buuxda uga baxayaan heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is dhaafsiga ee iyaga iyo Xamaas, haddii aan la sii deynin maxaabiista looga haysto Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Israel wuxuu sheegay in heshiiska uu ku jiri karo oo keliya, iyadoo Xamaas ay Sabtida sii deyso maxaabiista Israeliyiinta, sida uu soo jeediyayba Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.
Madaxweyne Trump ayaa soo jeediyay in maxaabiista oo idil la sii daayo ugu dambayn duhurnimada Sabtida, haddii kalena ay Israel ka bixi doonto heshiiska xabad joojinta.
Raysal Wasaaraha ayaa ciidamada faray in ay dagaal adag ka bilaabaan Marinka Gaza, haddii aan maxaabiista la sii deynin Sabtida.
“Dagaal ba’an waa inuu dib uga bilowdaa Gaza, haddii la haysteyaasha la sii deyn wayo Sabtida.” Ayuu yiri Hoggaamiyaha Israel.
Isaga oo sii hadlayay ayuu ku hanjabay “Xabad joojintu way dhammaan doontaa, Israel-na waxay dagaal xoogan dib uga bilaabi doontaa Gaza, haddii Xamaas aysan sii deynin la haysteyaasha duhurnimada Sabtida.”
Netanyahu ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay “Haddii Xamaas aysan soo celin la haysteyaasha, ciidamadayadu waxay dib u bilaabi doonaan dagaalka, waxayna sii wadi doonaan illaa Xamaas laga adkaado.”
Netanyahu ayaa sheegay in Golaha Wasiirada ee Amniga Israel ay sidoo kae soo dhaweeyeen qorshaha Trump ee mustaqbalka Gaza.
Netanyahu iyo kooxdiisa ayaa la aaminsan yahay in ay raadinayeen marmarsiyo yar, oo ay dib ugu bilaabi karaan dagaalka Gaza.
Netanyahu ayaa iska indha tiray eedeynta Xamaas ee ku saabsan in xukuumaddiisa ay carqaladeynayso heshiiska.
Xamaas waxay Isniintii sheegtay inay hakineyso sii deynta maxaabiista, illaa iyo inta Israel ay u hoggaamineyso qodobada heshiiska.
Magaalooyinka Israel ayaa waxaa ka soconaya dibadbaxyo ay shacabku ku diidan yihiin in dib loo soo celiyo colaadda Gaza, si aan halis loo gelin nolosha maxaabiista.