Home Wararka Caalamka Netanyahu oo si adag ugu jawaabay Madaxweyne Lula da Silva

Netanyahu oo si adag ugu jawaabay Madaxweyne Lula da Silva

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa si kulul u cambaareeyay warka ka soo yeeray Madaxweynaha Brazil, ee uu ku sheegayay in Israel ay xasuuq ka waddo Marinka Gaza.

Lula da Silva ayaa duulaanka Israel ee Gaza la barbardhigay xasuuqii uu Hoggaamiyihii hore ee Jarmalka, Adolf Hitler u gaystay dadka Yahuudda.

Raysal Wasaaraha Israel ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Madaxweyne Lula da Silva, isagoona yiri “Waa wax laga xumaado oo aad u xun.”

Waxa uu sheegay in is barbardhigga uu sameeyay Lula da Silva uu hoos u dhigayo xaddiga xasuuqii Holocaust ee lagu laayay dadka Yahuudda.

“Tani waa wax yar oo ka mid ah Holocaust & isku day lagu doonayo in lagu weeraro dadka Yuhuudda ah iyo xaqa ay Israel u leedahay inay is difaacdo.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu.

Netanyahu ayaa yiri “In la is barbardhigo Israel iyo Naasiyiinta & Hitler, wuxuu ka gudbayaa khad cas.”

Hadalka Madaxweynaha Brazil ayaa imaanaya, ka dib markii Netanyahu uu si cad uga horyimid baaqyada caalamiga ah ee looga dalbanayo inaanay ciidamadiisu weerarin deegaanka Rafah, oo martigelinaya ku dhawaad 1.5 milyan oo barakacayaal Falastiiniyiin ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc