Home Wararka Caalamka Nin ka tirsanaa ajaaniibta Daacish oo miino ay ku dishay Gobolka Bari

Nin ka tirsanaa ajaaniibta Daacish oo miino ay ku dishay Gobolka Bari

by Laacib

Nin ka tirsanaa maleeshiyada Daacish ayay maanta miino kula qaraxday Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari, iyadoona uu goobtaaasi ku geeriyooday.

Taliska Ciidanka Puntland ayaa sheegay in ninkaasi oo ajnabi ahaa uu ku dhintay qaraxa, oo sida ay sheegeen uu waddada ku aasayay.

Taliska ayaa soo bandhigay sawirro uu ka soo muuqday ninkani oo si xun ugu go’go’ay qaraxaasi.

Taliska ayaa sidoo kale barraha bulshada ku faafiyay muuqaalo muujinaya ciidamada oo qarxinaya qaraxyo ay maleeshiyado ku aaseen waddooyinka dhulka buuraha.

Maleeshiyada Daacish ayaa isku dayaya in ay wada miiniyaan waddooyinka qarda-jeexa ee dhulka buuraleyda, si ay u joojiyaan hawlgalka ciidamada.

Dhanka kale Taliska Ciidanka Puntland ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay in ciidamadu ay maanta soo rideen sagaal diyaaradood oo drones ah oo qaraxyo lagu soo xiray, laguna soo weeraray ciidamada.

Taliska ayaa sheegay in ciidamadu ay la wareegeen talis weyn, oo Daacish ay ku lahayd Toga Dhabancaddo oo hoostaga Degmada Balidhidin.

Ciidanka Puntland ayaa tan iyo 31-kii bishii December dagaal kula jira Daacishta Somaliya, waana hawlgal ay Puntland ku sheegtay in lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc